ABDUU

Friday, 10 August 2018 13:30

Kuuriyada Waqooyi Oo Maraykanka Si Adag Ula Hadashay: Maraykanka sidaan ugu lisnay nooguma hambayn

10/08/2018 (BNN) Kuuriyada waqooyi ayaa mar kale si kulul ugu dhaliishay Mareykanka in uusan wali qaadin cuna-qabateynta saaran dalkaas.
Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in dhankooda ay qaadeen tallaabooyin wanaagsan oo horseedi kara is af-garad, balse Mareykanku ay ilaa hadda sii amba qaadayaan waxa ay ugu yeertay "hadallada uu waqtigooda dhacay" ayna curyaaminayaan dhaq dhaqaaq kasta oo lagu raadinayo bur burinta hubka wax gumaada ee nuclear-ka.
Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa in muddo ahba la daalaa dhacaya cadaadis caalami ah iyo cuna-qabateyn uu Mareykanka beesha caalamka kaashanaya kusoo rogay kuwaasoo ay ku muteysatay barnaamijkeeda hubka nuclear-ka iyo gantaallada ay tijaabiso.
Hase ahaatee Mareykanka ayaa doonaya in hub ka dhigis buuxda oo nuclear ah lagu sameeyo waddankaas ka hor inta aan laga dul qaadin cuna qabateyta.
Madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa bishii June isku waafaqay in ay ka wada shaqeeyaan howsha ku saabsan sidii hubka nuclear-ka looga sifeyn lahaa gacamnka Kuuriya.
Balse faah-faahinta dheeriga ah ee heshiiskaas ayaan wali si buuxda usoo bixin - sidoo kalena Kuuriyada Waqooyi ayaan wali si rasmi ah u xaqiijinin in ay ka tanaasuleyso hubkeeda nuclear-ka.
Isbuuci lasoo dhaafay, macluumaad si qarsoodi ah lagu shaaciyay oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa laga dheehday qoraal lagu sheegay in waddankaasi uusan wali hakinin sameynta hubka - waxa ayna arrintaasi horseedday in Mareykanka uu beesha caalamka ugu baaqo in ay sii amba qaadaan hir gelinta cuna-qabateynta.
 
Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews.com
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree