borama 250x250

ABDUU

Friday, 10 August 2018 15:08

Siyaasi Caan Ah Oo Xilal Ka Soo Qabtay Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Madaxwayne Gaas Kula Tartamaya Doorashada Puntland Iyo Taariikh Nololeedkiisa +VIDEO

10/08/2018(BNN) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DFS Soomaaliya iskamarkaana soo noqdey Wasiirka waxbarashada Puntlan sanadihii Cabdi Faaraxa Siciid Juxa ayaa xalay ku dhawaaqay inuu u taaganyahay xilka Madaxweynaah Puntland ee 2019.

Xaflad uu ku shaacinayay ololahiisa doorasho oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah ragga u sharaxan xilkaas ayaa lagu qabtay magaalada Garowe. “Waxan isku sharraxay idinka waxaan u baahnahay gacantiina iyo taageeridiina,”

“Waxaan u mahad naqayaa madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole oo fursad ii siiyay tijaabo siyaasadda oo ii magaacabay wasiirka waxbarashada Puntland. Sidoo kale waxaan mahad u celinayaa madaxwayne farmaajo oo fursad ii siiyay in xil kasoo qabto wasaaradda arrimaha gudaha Somaaliya”. sidaas waxaa yiri Cabdi Faarax Juxa.

Mar uu ka hadlayay qayb kamid ah ajandihiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu diiradda saari doono wuxuu ugu hormariyay Amniga isagoo tilmaamay inuu kala tashan doono cidda ehelka u ah. “Haddii lay doorto waxaa kow u ah qorshahayga Amni dhammaystiran oo ay Puntland hesho. Waxaan dhisaya amniga Puntland anoo u maray cidda shaqadeeda aqoonta u leh. Waxaan awood saarayaa koboca dhaqaale. Waxaan ka baaran dagayaa oo dul istaagay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Puntland oo leh gacan ammaan ah,” ayuu yidhi Juxa.

Juxa ayaa sidoo kale ballanqaaday hadii xilkan loo doorto inuu kala saari doono hay’adda dowladda ee hadda isku xidhan sida Garsoorka iyo fulinta si loo helo caddaalada.

Arrinta Gobolka Sool ayuu soo hadal qaaday wuxuuna Muuse Biixi ku eedeeyay inuu yahay ruuxa mas’uulka ka ah dhibka ka taagan deegaanada gobolkaas.

Shaacinta Murashaxnimada Juxa ayaa kusoo aadaysa xilli muddo kooban ay naga xigto waqti hayntii xukuumadda Cabdiwali Gaas oo lagu eedeeyo inay ku fashilantahay ballanqaadkii ay sameeyeen 5 sano ka hor oo ay ugu horayso hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree