Thursday, 18 May 2017 20:57

Nin Gaadhi Xawli Ku Socda Galiyay Suuq Dad Badani Joogeen Magaalada Newyork Iyo Khasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Dhacday Ninkii Oo La Qabtay+VIDEO

18/5/2017 (BNN) Gaadhi ayaa dad lagu dardarsiiyay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada New York waxaana la sheegay inuu qof ku dhintay dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.

qabt

Booliska ayaa sheegay inay qabteen ninkii waday gaadhigaasi, aaga uu weerarka ka dhacayna la geeyay boolis dheeraad ah.

Dad  10 qof oo dhaawac ah lagu daweynayay goobta.26 Jir caan ku ah sakhrada oo Booliisku ku sheegeen nin horay u galay dambiyo ayaa imika la qabtay ninkani ayaa kasoo jeeda The Bronx

Gaadhiga ayaa la sheegay inuu ka weecday dhabaha gawaadhida oo uu abaaray dhinaca dadka lugeynaya ay maraan.

Booliska ayaa sheegay inay u muuqato in falkani uu yahay mid shil ah. Waxay tuhunsan yihiin in darawalka uu ku guuldarreystay xakameynta gaadhiga.

Xafiiska Wararka BNN

Boramanews.com

 

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree