Thursday, 18 May 2017 22:54

DHAGAYSO:Raysalwasaare Ku Xigeenka Somaliya Oo Ka Hadlay Wadahadalka Dawlada Somaliya Iyo Somaliland:Wax Dagaal Ah Oo Lagu Hayo Somaliland ..

18/5/2017 (BNN) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Waxa uu sheegay in uusan jirin Dagaal u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Soomaaliland, Nabadna ay ku wada jiraan, kuna wada nool yihiin.
Sidoo kale Abuukaate Mahdi ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Soomaaliland, kadib marka ay dhacdo Doorashada Somaliland.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.
Dowladda Soomaaliya iyo  Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.
 
HOOS KA DHAGAYSO

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree