LOGO3ABDUU

Friday, 19 May 2017 01:14

Somaliland Oo Muqdisho Dhexdeeda Kula Dagaalamaysa Dawlada Farmaajo Iyo Mid Ka Mida Qabqablayaashii Dagaalka Ee Muqdisho Oo Si Qarsoodi Ah Ku Yimiday Hargeysa Sheegayna In...

19/5/2017 (BNN) Waxaa Socdaal qarsoodiya kuyimiday Magaalada Hargeysa rag uu hogaaminayo Bashiir Raage Sheeraar oo ka mid ahaan jiray qabqablayaashii dagaalka Muqdisho.

bashhii

Warar naga soo gaadhaya socdaalka Bashiir Raage Sheeraar ayaa sheegaya in uu kulamo gaargaar ah la yeeshay masuuliyiinta Somaliland,Sirdoonka Iyo siyaasiyiin caan ah.

Bashiir Sheeraar ayaa kulamo xaasaasiya Hargeysa kula yeeshay siyaasiyiinta Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe oo casuumado ku qaabilay,isla markaana kulankooga ku gorfeeyay siyaasada Somaliya Iyo Madaxwayne Farmaajo.

Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegayaa inay Bashiir Raage isla qaateen sidii loo fashilin lahaa dawlada Farmaajo isla markaana uuu Bashiir Raage Somaliland kala shaqayn lahaa danaha ay ku leedahay Magaalada Muqdisho,waxaana la cadeeyay in la,isku xidhay masuuliyiinta Sirdoonka Somaliland Iyo Bashiir Raage oo qorshayaal ka fulin doona Magaalada Muqdisho.

Mid ka mida masuuliyiin Bashiir Raage Hargeysa kula kulmay ayaa Boramanews.com u cadeeyay in Bashiir Raage Yahay masuul xilkas ah oo Somaliland kala shaqaynaya in cadowgeeda kula dhex dagaalamaan gudaha Muqdisho,isla markaana Bashiir Raage aaminsan yahay qadiyada Somaliland inay tahay mid xaq ah.

Bashiir Raage oo Magaalada Hargeysa maalmahani ku sugnaa ayaa deganaa Hotel Star,Waxaana shalay ugu dambayn lagu qaabilay guriga Madaxtooyada oo loo geeyay qaar ka mida dadka talada Somaliland ka go,do.

Mid ka mida siyaasiyiinta Hargeysa oo Boramanews.com la hadlay ayaa sheegay in Bashiir Raage uu qaban doono qorshe ay Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe Kala hadleen si wayna dagaal ula gali doono dawlada Farmaajo.Maamulka Siilaanyo ayaa ka walwalsan ciidamo ay yeelato dawlada Somaliya taasi oo cabsi wayn ka qabto in Somaliland lagu wiiqo.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa marnaba soo hadalqaadin kulamada qarsoodiga ah ee Bashiir Raage kula yeesheen Hargeysa iyo qorshayaasha loo dhiibay ee Muqdisho kula laabanayo.

Cabdiraxman X.Xasan (Suul) 

Boramanews/Hargeysa

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree