Friday, 19 May 2017 18:42

Magaalada Muqdisho Oo Dawlada Somaliya Ka Saartay Ciidamo Tiro Badan Oo Milateri Ah Oo Loo Raray Saldhigii Waynaa Ee...

19/05/2017 /BNN/ Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka saaray 1500 oo Askari oo ka mid Ciidanka Xoogga Soomaaliya kuwaas ku sugnaa Xarumaha Milatariga ee M/Muqdisho.

General C/llaahi Cali Caanood Ammaan-duulaha Ciidanka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu hogaaminaayo Ciidanka waxaana la geeyay Saldhigga Balli-doogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka la qaaday ayaa ubadan kuwii shalay gadoodka ka sameeyay Magaalada Muqdisho iyadoo dhinaca kale General Caanood uu ku dhaawaqay in ciidankaan ay ka mid noqon doonaan Howl-gal looga Soo horjeedo Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BNN

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree