LOGO3ABDUU

Monday, 19 June 2017 06:29

DAAWO MUUQAALKA: Masaajid Soomaali Badan Ku Tukadaan Oo Lagu Weeraray Gaadhi LONDON Goor Ay Kasoo Baxeen iyo Dhaawaca iyo .. +VIDEO

19-06-2017 (Bnn) Dad badan ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday gaadhi la jiirsiiyay dad wadada marayay meel u dhaw masjidka ku yaala waqooyiga London.

Dhacdadan ayaa boolisku ay ku tilmaameen shil aad u weyn.

Hal qof ayaa lagu qabtay meel u dhaw masjidka xaafadaasi ku yaala ee Finsbury Park.

Shilkan waxa uu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobta ku sugan.

Tiro Soomaali ah oo Masjidka kasoo baxay ayaa waxaa soo gaadhay dhaawacyo.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaadhi si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo baxay salaada tahajudka .

Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka .

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree