LOGO3ABDUU

Monday, 19 June 2017 15:09

Cali Khaliif Iyo Waftigiisa Oo Looga Dhaartay Inay Buuhoodle Ku Laabtaan Iyo Ciidamo Hub Badan Wata Oo Lagu Daldalay Buuhoodle+VIDEO

19/6/2017 (BNN) Wararka aan Maanta ka heleyno Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalan karta gacan ka hadal taas oo ay wadaan maleeshiyaad hubeysan.
Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay isku aruursanayaan  deegaanka Soojeede oo 40 -km u jira magaalada Buuhoodle kuwaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamulka Puntland.
.Maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay ka soo horjeedaan talaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ee ah in uu ku biiray mudo wadahadal kadib  Soomaaliland oo dhowr jeer uu dagaal la galay.
Ciidamada ayaa Cali khaliif u diiday in uu tago magaalada Buuhoodle iyagoo ka soo horjeeda heshiiskii Shanta qodob ka koobnaa ee ay Maalin ka hor  kala saxiixdeen Soomaaliland iyo  Khaatumo oo uu hogaaminayo Prof Cali Khaliif Galeyr.
Magaalada Buuhoodle ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Ciidan xaaladeeduna waa ay  kacsan tahay,waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi dagaal ku dhex maro ciidamada Soomaaliland iyo ciidamadan Maleeshiyaadka ah ee ku kacsan Cali Khaliif Galeyr.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Khaatumo oo ku sugan Magaalada Buuhoodle oo aan  la xidhiidhnay  ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino waxa ay ka ogyihiin xiisadaan iyo waliba Maleeshiyaadka Hubeysan ee Cali Khakiif Galeydh uu diiday in uu tago Magaalada Buuhodle ee gobolka Togdheer.
Dhanka kale warar naga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya In Cali Khaliif gacanta laga saaray lacag caddadkeeda la sheegin oo Maamulka Siilaanyo ugu talogalay in wax lagaga qabto dadka kasoo horjeeda heshiiska Cali Khaliif ee ku sugan Buuhoodle,Lama cadayn in ciidamo Somaliland ahi sii galbin doonaan Cali khaliif xili magaaladu kacsan tahay.
 
Xafiiska Wararka BNN
Boramanews.com

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree