BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Yuusuf Garaadow Dawladda Ciyaarta ka Daa: W/Q: Ahmed A. Ali

Ahmed_A._AliWaxaan arkayyaa sadarro silloon oon sinaba ahayn, Yuusuf Garaad marba mid soo goglayyo bogagga war baahinta isagoo u gudbinaya hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taagga, Yuusuf waxay katahay: Waan idinla talinayaa. Waxaanse leeyahay sadarrada Yuusuf Talo maahee, waa Tuugsi casriyeysan iyo xil ha la ii dhiibo. Waa tab cusub iyo tu horle oynaan horay u aqoon. Waa si dadban iyo anigaa taa ku fiican. Waa tixgalin la’aan iyo ka dul tallaabsi shacabka soomaaliyeed ee tiisii hore ogaa. Marka la isu geeyo waa toorrey qarsoon iyo tantoomo siyaasadeed oo kuwa talo ka qaataa ka kicidoonin. Waxaa la yidhi: Riyyo hadday dib leeyihiin, dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen. Yuusuf waxaa lagu yaqaanay inuu ahaa tafatirihii laanta afka soomaaliga ee BBC London. Halkaasaa soomaalida badankeedu ku baratay. Loogama baranin maamul wanaag, Caddaalad iyo Cadcaddaan toona.

Wuxuu si toosa iyo si dadbanba, isagoo adeegsanaya awoodiisii Idaacadda BBC da danbiyo gaar ah iyo kuwo qaranba uga galay qurbojoogtii Soomaaliyeed ee la shaqeyneysey iyo dhammaan qolqoljoogta. Maantana wuxuu raadinayaa in xil dowladeed loo magacaabo oo uu haddana wax khaldo. Maamulkii Yuusuf ee BBC da waxaa lagu xasuustaa oo uu ku caan baxay: Eex, Ninjeclaysi, Musuqmaasuq baahsan iyo qabyaalad qaawan. Yuusuf sidaasoo aan ka soo reyn lahayn ayuu ku maareynayey hawl maalmeedkiisii iyo dadkii uu mas’uulka ka ahaa muddo dhan 13 Sanadood. Waxaa iyana ka horeysay muddo 7 sanadood gaadheysa oo uu ka mid ahaa shaqaalaha caadiga ah ee isla BBC da. Mudadaa iyana, wuxuu Yuusuf adeegsanjirey xeelado ka caagan ruux kasta oo waxgarad ah, wax bartay, iimaan leh, isku kalsoon oo mas’uul ah. Muslim ilaahey ka cabsanayana hadalkiiba daa. Yuusuf shaqaalihii uu maamulaha u ahaa, gaar ahaan kuwoodii soomaalida ahaa wuxuu ku hayey: Cadaadis, Cabudhin, Cunaqabateyn, Caga jugleyn iyo ama tayda ama tunaba. Karaama darradii iyo maamul xumadii looga soo joogey Yuusuf een halkan lagu soo koobi kareyn cid ka galabsatay ama ka mudneydina jirin, waxaa ka mid ahaa: inuu shaqaalaha kala qaybiyo. Inuu qolo-qolo u kala saaro. Inuu qaar soo dhaweysto. Inuu qaar kale fogeeyo. Inuu ukala war sheekoodo. Inuu iskudiro. Inuu kala fur-furo. Inuu wada shaqayntii shaqaalaha baabi’iyo. Inuu go’aanoo idil ku soo koobo gacantiisa. Inuu dhaqaalihii hay’adda siduu doono ka yeelo. Inuu madaxda iyo shaqaalaha kala dhex galo. Inuu madaxda sare basaas u noqdo. Inuu qaarkood shaqooyin gaar ah u qabto. Inuu xidhiidh aan caadi ahayn la yeesho. Inuu dhaqankii, caadadii iyo soomaalinimadiiba sidaa kaga fogaado. Waxay taasi sababtay in shaqaalihii kuwo ay dani ka maaransiinweyday mooyee kuwii kale waxay adkaystaanba aanu aragnay iyagoo mid mid boorsooyinkii uga xidh xidhay BBC dii. Inay tahay waali dhaqankaasi tuu ku mutaystay in loo magacaabo, Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC Lodon, su’aali kama taagna. Aqoon may ahayn oo waa lala wadaagey amaba laga sittey. Casharrada diiniga ah Dalmar baaba daadihin jirey. Cod wanaag wariyenimo, barnaamij la isku dubbarido iyo khibradna hadalkeedba daa. Waggar, Cawkaaba joogey, Cabdinuur, Cabdilaahi, Cabdisalaan iyo Aamina. Caasha Cuudna waa la heli karaayey.


Xooluhu waa xaab daaq, dadkuna waa xan daaq. Yuusufow, sida la yidhi waxbaad baratay. Waxbarashadu waa iftiin. maxayse kuugu taalaa haddaanad ku kala arkeynin xumaha iyo samaha. Maxay kuugu taalaa haddaanay kaa maaransiin inaad ku dhowaato Hoggaamiye Kooxeed dhiiga shacabka ku nool. Maxay kuugu taalaa haddaanay waxbarashadu ku barin, Ixtiraamka iyo habsami ula socodka aadamaha, ha ahaadeen kuwo kula shaqeeya ama bulshada qaybaheeda kala duwan ee aad ku dhexnooshahay. Maxay kuugu taalaa haddaanay ku barin in aad si wanaagsan ula dhaqanto, si caddaalad ah u dhaqdo sinnaanna ugu dhaqdo dadka aad mas’uulka ka tahay. Waxaa la yidhi: Shinbiri marbay dab qaadayoo, markiina buulkeedii bay ku gubtay. Yusufow, marbaad Mas’uul noqotayoo, markiina Bush house baad burburisey ood dhaxalsiisay inay noqoto meel aafadaadu wada gaadhay. Sanka laga qabsado, afka iyo dhagahana laga wada fureysto. Laga wada giigey. Gaal iyo muslim lawada guuxey. Mid-mid looga guurey. Adigana lagaa soo daba ganay. Soomaalaay, Yuusuf waakaa.


Mas’alooyinka maankayga gadey, een la anfariiray waxaa ka mid ah:

Saxafiyadda Marwo Aamina Muuse, oo ah Halyeeyad, Geesiyad, Waddaniyad, Soomaaliyad dhab ah, si kastoo loo eego aan meel la saluugo lahayn, ayaan is weydiiyey saygeedoon dhiman waxay subax nool intey sara kacday assay u saaratay. Iyadu diidday inay daaha ka rogto, waxaanse hubaa inaan dulmiga daartaa Bush House looga horeynin. Waan la damqaday oo dubkaa iigu yaalla. Iyadu diidday inay daaha ka rogto. Waxaanse dareemayaa dabuubtan oo u daboolan: Haddaan dalkaygii burburin. Haddaan dadkaygii baabi’in. Haddaan la wada dulloobin. Haddaan dib u heshiisiin iyo dawaba loo waayin, miyaan dibaddaba u baqooli lahaa. Miyaan BBC iyo Balaayo Garaad midna u baahan lahaa. Soo beytkii qaboobaa, babaygii iyo muuskii, xamar caddey iyo banaadir batarkiyo balooleey kumaan bariisteen.


Yuusufow, wadankan Soomaaliya waad u dhalatay. Waxa uu xaq kuugu leeyahay iyo xuquuqda aad adigu ku leedahayna, waxaad ula simantahay muwaadin walba oo soomaaliyeed. Muwaadin kasta, marka uu xil qaran damac ka galo, madaxda dalka iyo shacabkaba wuu is baraa. Wuxuu la yimaadaa barnaamijkiisa wax qabad, xag sayaasadeed, dhaqaale, caafimaad iyo dhinac kasta wuxuu ka damacsanyahay iyo qoraallo ama muuqaallo muujinaya taariikh nololeedkiisa, heerkiisa waxbarasho, khibrraddiisa shaqo, meelaha uu ka soo shaqeeyey, xilalka uu horay u soo qabtay, abaalmarino hadduu mutaystay, iyo wax kasta oo ka markhaati kacayya, asluubtiisa wanaagsan, hab dhaqankiisa iyo dhowrista qawaaniinta iyo xuquuqda Shaqada & Shaqaalaha.

Waxaan ku xassusinayaa, haddaad moogtahay inay adiga Soomaali aad kuu baratay. Waa laga yaabaa inay bahdaada saxaafadda qaar ka mid ahi sida Cawke & Cabdilahi Xaaji kaa magac dheeryihiin, hadana soomaali badankeedu way ku taqaanaa. War iskukiin seegani majiro. Taariikh nololeedkaagana, maqal, muuqaal iyo akhristoona soomaali uma baahna. Waxaad gasho, waxaad guddo, waxaad fashay, waxaad fali doonto ee kaa suurtowda iyo hab dhaqankaaga maamul iyo mid siyaasadeedba waa laga dharagsanyahay ilaa kuwooda miyiga jooga ee reedhyowgu dagta u sudhanyahay.

Xil qaran inaad hungureyso xaq baad u leedahay, cid kuu diidi kartaana ma jirto. Guul iyo guuldarro se cidda go’aankeeda lihi waa codka shacabka soomaaliyeed oo ku yaqaan adiguse aad mooddo inaanad wali baran. Waxaa la yidhi: Bani aadamka ruux walba, kitaab qummane la yidhaahdo ayaa qoorta ugu jira. kutubtaasaad mid qoorta ku sidataa. Waanad isla qumantahay, mar haddaad qolqoljoogtii intaad dhex timid, leedahay, ha la I doorto ama xil hala ii magacaabo. Ogoobey fule xantii ma mooga. Adiguse ma dammanaad tahay. Ma dareemayaashaan ku shaqayneyn. Ma damiirkaa ku daboolan. Miyaan diir naxaaba kugu ool. Sideed mantana durba dowladda Soomaaliyeed gaawaha ugu soo culataa. Hadaan wali cidi kugula xisaabtamin xad gudubyadii aad u geysatay dadkii kaala shaqeeyay BBC laanteedii afka soomaaliga, iyo nabadda soomaaliyeed guud ahaan, macneheedu ma aha in la ilaaway iyo in laguu cafiyey toona. Ma aha waad mudantahaye tu dowladeedna doono. Ma aha inaad marba sadar qortood soo tuurto, tidhaa waan talinayaa. Cid aad wax u sheegto, iyada daa, adigaa talo u baahan iyo in wax lagu tuso. Adigoo ka faa’ideysanaya cilmigaad baratay oo lagu daro la dhaqankaagii dadyowga ku dhiirada in ay warbaahinta hor yimaadaan iyagoo isku kalsoon, qirta danbiyadey galeen, haba darraadeen hadey doonaane, orodoo horta tii hore iyo tumaatidaad geysatay ka toobad keen, ilaahayna cafis weydiiso, taadan danbey wax taraysaaye. Raaligalin buuxda iyo cudurdaarna ka bixi. dadkaad xad gudubyada ku sameysay, waad wada garaneysaaye, iyo Soomaali dhammaan, adigoo ballanqaadaya inaan gafafkii Bush House iyo BBC aad u adeegsatay oo kale dib kaaga dhicin.  Shacabka Soomaaliyeed oon anigu ka mid ahay waxaa iyagana ku waajib ah inay aqbalaan raaligalintaada, ballanqaadkaagana rumeystaan sidaana kugu saamaxaan. Waxaa kuu soo hadhay Dhibbanayaashaadii, runtii waa arin iyaga u gaara. Haddiise aad sidaa yeesho, waxaannu iyagana ka codsandoonaa inay raaligalintaada iyo nabaddaadaba qataan. Anigu tawjiihaad iyo tilmaan, talo walaaltinimo oo wax ku oola iyo tusaalaan ku siiyey, inta kalena, adiga iyo damiirkaagaan u deynayaa. Waxaa la yidhi: Waano dhallan baa ka adag. Waxayse tani kaaga baahantahay, go’aan adag iyo geesinimo iyo inaad muujiso tanaasul kaasoo kuu horseedi kara inaad noqoto, Xalay Dhalay.  Nin lagu magacaabo Allan Lichtman oo bare ka ah jaamacad ku taala wadanka Maraykanka ayaa wuxuu ku guulaystay inuu saadaaliyo natiijooyinkii ka soo baxay tartammadii madaxweynenimo ee wadanka maraykanka todobadoodii (7) ugu danbeeyey laga soo billaabo 1984 kii markuu ku guuleystey Ronald Reagan. Marwalba saadaashiisii waxay noqotay siduu u sheegay. Kal hore oo ahayd tii ugu danbeysey, wuxuu u yimid Madaxweyne Barack Obama oo uu ugu bishaareeyey guusha in dib loo dooran doono. Wuxuu ku yidhi: Markaan wada eegay arrimaha aan ka qiyaas qaato, oo ay ka mid yihiin, Dhaqaalaha, ahaanshahaaga madaxweynaha dalka waqtiga doorashada, iyo wax ka badalkaaga siyyaasada dalka, waad ku guulaysanaysaa mar labaad doorashada, sidaana ku seexo oo waxba ha ka warwarin. Aniguna yuusufow markaan dhinacyo badan eego, oo ay ka mid yihiin: Taariikhdii madoobeyd iyo magac xumadaad kaga tagtay Bush House, tagrifalkaagii awoodeed iyo dhaqaale, xadgudubyadaad u geysatay shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalahaad mas’uulka ka ahayd oo lagu daro xaaladda adag ee dadka iyo dalkuba ku jiraan, waxaan saadaalinayaa, Haddaad taladayda diido ood dhagaha ka fureysato, shacabka soomaaliyeedna dhayalsato, waxaad ahaaneysaa Canuga Dhiblowga ah ee Siyaasadda Soomaaliya. (Problem Child of Somali Politics). Inta aanad growshiiyo bixin, ninka xil qaran kuu magacaaba, kugu taageera ama  intuu xaaji ku moodo kugu daba tukadaa isagaa Koore Murjaan ah. Ninka dawlada daaqadda kaa soo galiyaana, kaba sii daran, oo isagaa albaabka ka bixi doona, warbaahintana koley ku tahay oo ah xirfadda aad leedahay, wallow aad si xun ugu soo shaqaysay. Waayyo, xil mas’uuliyadeed oo la magacaabaa waxay u baahantahay foojignaan dheeri ah, taariikh dib loogu noqdo, macluumaad la uruuriyo, baadhitaanno dhinacyo badan taabanaya, tijaabooyin iyo wadatashi badan oo la sameeyo. Haddaan sidaa la yeelin waa lagu rogmanayaa oo lagu rafaadayaa. Ninka maxkamadihii dowladda Ingiriiska ood wada garaneysaan ka seydcaleeyay ee ka soo gudbey isagoo danbiila ah, miyaa xeer Daahir Jeesow qareen iyo ehel u yahay, sidiisanaba qabyo ah lagu xakamayn karaa? Jawaabtu waa maya. Hadaba dadka ha karkabadeynine, shib dheh intaad is xalaalayneyso, oo  

Yuusuf Garaadooooooooooooooooooooooooooooooooow Dawladda Ciyaarta Ka Daa.


Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 18 July 2014 17:39
Sunday, 22 September 2013 04:42
Sunday, 16 February 2014 11:47
Wednesday, 26 February 2014 12:49
Sunday, 12 January 2014 14:27
Tuesday, 17 June 2014 15:39
Tuesday, 19 November 2013 07:08
Tuesday, 07 January 2014 15:19
Sunday, 16 February 2014 09:08
Saturday, 29 March 2014 08:37