BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

TAAGEERAYAASHA XISBI XAAKIMKA KULMIYE

Maqaal1Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.
Xisbiga KULMIYE iyo Hogankiisiba waxay kasbadayn sumcad iyo siyaasad ku dhisan cadaalad iyo sinaan, iyaadu somaliland siyaasadiidu marayso maxalad adag hadi noqoto loolanka xisbul xaakiinka iyo Xisbiga ka maqan saaxada ee Ucid, iyo ariimaha Somaliya, waxaana KULMIYE kasbaday taageero balaadhan marku ka dhibtay fikirkiisa waddaniyadu ku dheehantahay.
Waa Xisbiga kaliya ee maanta xidhiidho fiican ka sameyay waddamada jaarka iyo beesha caalamaka una soo bandhigay siyaassada dhabta ah ee somaliland marayso ,xidhiidho fiicana la leh waddamada USA -Uk- Sweden- UAE iyo jaaliyaddaha dibadaba oo runti taageero baaxad leh siyay xisbiga waana xisbiga ugu laamaha badan dabada..
Xisbiga KULMIYE waa xisbiga ugu shacbiyad wayn dalka oo kaga duwan xisbiyada kale siyasada iyo Barnamij cad oo wadanka meel gaadhsiin kara, oo aan lahayn qalqaloc iyo madmadow badan, dimuqradiyda waa midabkiisa iyo waxanu leeyahay Waayo aragnimo dheer xaka siyaasada ee dawladnimada.
Xisbiga KULMIYE waxaa ku jira rag khibrad dheer leh,waa siyaasiyin mutacalamiin ah oo qaarkood Tacliintoodana ka qaatay Jaamacado caalami ah oo ku yaala Ameerika iyo ingiriisga.
Gudomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane MUUSE BIIXI CABDI waa siyaasii ilaaliya sumcada Somaliland marku shirarka ku matalayo wadanka nimanka ay is arkana waji wacan iyo sumacad wanagsan bu ku reeba, mar walbana wuxu shaaciya oo amiinsan yahay muqadisnimda iyo jiritaanka Somaliland , taana wuxu ku kasbaday sumcad aad u wanaagsan umada dhexdeda.
AHMED RASHEED {AHMED MARSHALL}
HARGEISA,SOMALILAND

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 16 February 2014 16:24
Friday, 06 September 2013 11:00
Wednesday, 30 April 2014 07:56
Wednesday, 08 January 2014 02:18
Wednesday, 14 August 2013 18:11
Sunday, 06 April 2014 16:42
Monday, 02 September 2013 13:32
Wednesday, 08 January 2014 22:50
Saturday, 22 March 2014 12:57
Friday, 31 January 2014 21:21