BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

WARSAXAAFADEED: Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha JFS oo lagu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud

astaanta.qaranka-300x2282Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa guddoomiyaha gobolka Galgaduud loogu magacaabay Xuseen Cali Wehliye, kadib markii ay Wasaaradda arrimaha Gudaha ay soo jeedisay.

Hadaba digreetada ayaa waxaa ay u qornayd sida tan:-

Xeer Madaxweynaha Lr.93

Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka galgaduud

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

Markuu Arkay: Qodobada 87aad, Xarafka “C” Qodobka 90aad, Xarafka “K” iyo 99aad,

Xarafka “G” Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markuu Arkay:- Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha gudaha & amniga qaranka warqadda Lr.

                             WAG&AQ/XW/00310/13 ee July 13, 2013.

Markuu Ogaaday: In ay dhamaatay mudadii ku-meel gaarka ahayd ee Guddoomiyenimada

Gobolka Galduud uuna Gobalka u baahanyahay Maamul rasmi ah.

Markuu Tixgeliyay:  Inay jirto in baahi loo qabo in la billaabo dhisidda Maamul u sameynta

Gobolada iyo Degmooyinka si looga sii ambaqaado mustaqbalka inay

Dhismaan Dowlad-goboleedyada.

Madaxweynuhu waxa uu soo saaray Xeerkan

Qodobka 1aad

Waxa uu Madaxweynaha jamhuuriyadda Ansixiyay laga bilaao maanta oo ah 27/7/2013 in uuMudane Xuseen Cali Wehliye noqdo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud

Qodobka 2aad

Wuxuu xeerkan dhaqan gelayaa si deg deg ah maalinta uu madaxweynaha saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmi ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Digreedaan ayaa waxaa oo nuqul ka mid ah soo gaaray Warbaabinta Qaranka waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 21 February 2014 11:36
Saturday, 04 October 2014 20:48
Thursday, 29 August 2013 21:53
Tuesday, 22 April 2014 01:45
Wednesday, 06 November 2013 18:48
Thursday, 30 January 2014 09:41
Saturday, 14 December 2013 11:39
Sunday, 06 July 2014 05:59
Sunday, 08 September 2013 01:10
Wednesday, 28 May 2014 04:53