BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BAAFIN YAA ARKEY WASIIRKII ARIMAHA DIBADA SOMALILAND EE CUSBAA?

wasiirka_arrimaha_dibada_sll_3Ugu  horeyn  waxaan  ummada  muslimka  ah  gaar  ahaan  shacabka somaliland  leeyahey ciid mubaarak, wa kuli  sana antum dayid.
Ka dib waxaan salaamayaa  saxaafada  somaliland  ee  sida  xorta  ah  u  shaqeysta,gaar  ahaan  kuwa  had iyo jeer  soo  gudbiya  aragtidayada iyo  ta-caamka  ahba  waxaan  idinleeyahey  sanadkan  kiise  kale  caafimaad  ku  ciida  kuna  gaadha,amiin.
Ka dib  dhawaan  ayuu  madaxweyne  axmed  siilaanyo  magacaabey  wasiir  cusub  oo  qaabilsan  arimaha  dibada  somaliland, isagoo  badaley  wasiirkii  hore  ee  arimaha dibada  somaliland.
Hadaba  dad  badan  ayaa  waxey  moodayeen  in  wasiirkan  cusubi  oo  ahaa  nin in  badan  dibadaha  dalka  ka  joogey  uu  dhaami  doono  wasiirkii  hore  ee  arimaha  dibada  somaliland, Dr  maxamed  cabdullahi cumar, balse  waxaad  moodaa  dadka inta  badan  in  ay  sheegtaan  aqoonayahano  ama  dad  wax  fahmi  kara  balse  markaad  eegto  ,sida  ay  aqli  ahaan  u  fakiraan  waxaad  odhan kartaa  waa  dad  aan wax  badan  ka  fahmin aduunka.
Wasiirka  cusub ee  arimaha  dibada  somaliland  maxamed  yoonis  biixi,  anigu  ma  aaminsani  mana  aaminsaney in  uu  wax  uu  qaban  waayey  wasiirkii  hore  isagu  qaban  doono  ilaa  hadana  waxaan  u  arkaa  magacaabsitiisa , mid aan  mancno  badan  soo  kordhineyni, marka  laga  tagi  waayo  xeeladaha  qarsoon ee  uu  Oday  siilaanyo  ka  leeyahey, oon  la  ogeyn,balse  u  badan  in  uu  ku  guuro  uun.
Xaga  aqoonsiga  somaliland  waxa  uu  u  yaalaa  ama  uu  ku xidhanyahey  qawaaniinta  dowliga ah, sida  ay kolba  beesha caalamku  isugu  raacdo  iyadoo  xitaa  dowlada  somalia  lafteedu saameyn  weyn  ku  leh  gooni  isu  taaga  somaliland, siyaasada  ahaan  iyo  diplomaasi  ahaanba.
Hadaba  sida wararka  aanu  ku  heyleyno  wasiirkii  cusubaa  ee arimaha  dibada  waxaa  lagu  soo  xero  galiyey  been, waxaana  lagu  yidhi  xisbiga  kulmiye  ayaa  laguu dhiibayaa  taasi  waa  sheeko  aan caruurtu  rumaysan  karin  waayo  xisbiga  kulmiye  qofkastaa  waa  ogyahey  in  uu  gudoomiye  muuse  biixi  in  badan  fool  eryaayey, ninkii  hungureeeyana  waxaan  odhanlahaa  habeen  muu  jirin  waxaan  hubaal  ha  hadii  la  isku dayo  nin  aan  muuse  biixi  aheyn  i  xisbigaasi  uu  wax  ku  raadsado  in xisbigaasi  hawada  ka  bixi  doono, cidna  aaney  waxaba  ku  noqon  doonin, sababtoo  ah   gudoomiye  muuse  biixi  waa  hogaamiye  leh  miisaan  siyaasadeed  iyo  mid  waliba   taageero  aad  u  balaadhaana ka heysta ama  ka heli  kara ,dhamaan shacabka  somaliland  xisbigana  meel  gaadhsiin kara  marka  laga  tago  wasiiradan  uu  Oday  siilaanyo  ciyaartooda  siidhiga  u  hayo.
Hadaba  munaasabadii  ciidal fidriga  lama  arag  wasiirkii  cusubaa  ee  arimaha  dibada  oo meel  fagaare  ah ama  garab  socda  sidii  wasiir  samaale  madaxweyne  siilaanyo  marka  laga  tagi  waayo  gudoomiye  muuse  biixi  oo  madaxweyne  siilaanyo  sida  shabeelka  u  taalabsanaya  iyo  wasiir  xirsi  oo  garab  fadhiya   madaxweyne  siilaanyo.
Isku  soo  wada  duub  oo  waxaan  odhankaraan  maxamed  yoonis  biixi  maanta  meel  uu  ka  soo  noqdo  ma leh  mar  haduu  aqbaley  wasiirnimo  barina  ha  aqbalo  talada  wasiir  xirsi  iyo  madaxweyne  siilaanyo, waxanan  maqleynaa  dad  leh  xirsi  ayaa  wasiirkii  arimaha  dibada  amar  siiyey, taasi  nacaska  ayaan  ogeym  markii  horeba  wasiir  xirsi  ayaa  magcaabey  ninka  ku  magcaabeyna  waa  in aad  ka  danbeysaa, sida  sharcigu  yahey.
W/q/:Tahir hussein (xumaandiid)

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 16 March 2014 15:41
Sunday, 10 August 2014 12:05
Tuesday, 04 March 2014 13:18
Thursday, 15 August 2013 13:09
Sunday, 24 November 2013 15:42
Friday, 04 April 2014 18:55
Tuesday, 15 July 2014 09:30
Thursday, 12 June 2014 03:24
Sunday, 19 January 2014 20:45
Thursday, 10 April 2014 02:08