BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Nin Pakistani Ah Oo Dilay Wiil Yar Oo Soomaaliya 7 Biloodna Jira Oo Ay Dhashay Haweenay Somaliyeed Oo Ay Saaxiib Ahaayeen DAAWO MUUQAALO +SAWIRRO

23094631_SS

12-08-2013 Newyork (Bnn) Dhacdo naxdin iyo argagax leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Mareykanka ka dib markii uu nin Pakistaan ah uu dilay wiil yar oo ay dhashay haweeney Soomaali ah oo uu saaxiib la ahaa oo ayna wada noolaayeen

Ninkaan Pakistaanka ah oo lagu magacabo Ummad Rushdi oo 30 sano jir ah ayaa waxaa uu saaxiib la ahaa haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Zaynab Gacal oo 20 sano jir ah, Haweeneydaan Soomaalida ah oo haysatay ama lahayd wiil yar oo lagu magacaabi jirey Xamza Cali oo 7 bilood jira ayaa waxay isbarteen oo ay xiriir saaxiibtinimana uu ka dhexeeyey ninkaan Pakistaanka ah mudo ilaa iyo hal bil ka hor ku dhow iyagoona wixii intaas ka dambeeyey ay ahaayeen lamaane saaxiibo ah oo uu ka dhexeeya xiriir jacayl,

Gabadhaan Soomaalida iyo wiilkeeda ayaa markii dambe ay u soo wareegeen oo ayna gurigooda kula noolaayeen ninkaan Pakistaanka ah iyo walaalkiis magaalada York ee gobolka Pennsylvania ee dalkaas Mareykanka, Laakiin mashaqadaan ayaa waxay dhacday ka dib markii ay dhawaantaan gabadhaas Soomaalida iyo ragaasi ay booqdeen guriga waalidiinta ninkaas Pakistaanka ah iyadoona wixii markaas ka dambeeyey la waayey ninkaas Pakistaanka ah iyo wiilkii yaraa, Ninkaan Pakistaanka ayaa waxaa u sheegay walaalkiis Jawwad Rushdi inuu wiilkaas oo ku ooyey inuu ruxay ka dibna uu miyir beelay oo uu dhintay laakiin booliiska ayaa waxay wali baadi goob ugu jiraan meydka wiilkaas oo la sheegay in lagu aasay duurka ama jiqda ku taala deegaankaas.
ilmaha_la_dilay
Hooyada Soomaaliyeed ee dhashay wiilkaas oo arintaas wel wel ka muujisay ayaa waxay booliiska gaarsiisay waxa dhacay iyadoona ay booliisku falkaas u qabteen ninkaas Pakistaanka ah oo ayna xabsiga dhigeen., Ninkaan ayaa sidoo kale waxaa uu mar hore ka jabiyey garabka wiilkaas yar iyadoona hooyadaas Soomaaliyeed oo damacday inay wiilkeeda ay isbitaal geyso ay u diideen waalidiinta ninkaas Pakistaanka ah oo ayna u sheegay inay ayagu guriga ku daaweyn doonaan wiilkaas yar. Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mid naxdin iyo wel wel ku reebtay hooyada Soomaaliyeed ee dhashay wiilkaas ayaa waxaa lagu macneeyey falka uu geystay ninkaan Pakistaanka ah inuu ahaa mid ku yimid masayr ama uu ka xumaaday inuu wiilkaas yar uu mashquuliyey oo uuna dhib ku noqday xiriirka kala dhexeeya hooyadaas Soomaaliyeed, Ninkaan Pakistaanka ah oo ah nin ay sidoo kale isha ku hayeen FBI dalka Mareykanka asaga oo looga cabsi qabo falal argagaxisanimo ayaa waxaa kale uu yahay nin gaangister ah oo dhowr jeer oo hore xabsi iyo maxkamad soo marey iyadoona lagu soo eedeey falal ay ka mid yihiin dhac, tuuganimo, baabuur ka xayn asaga oo aan lahayn ruqsada baabuur wadida ama driver license iyo hanjababaad uu u geystay sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska magaalada Philadelphia ee dalkaas Mareykanka, Ninkaan ayaa hada waxaa uu ku jiraa xabsiga asagoona la sheegay in lagu siin dayn karo lacag damiin ah oo gaareyso ilaa iyo 750,000 oo doolar.'

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 27 January 2014 13:01
Tuesday, 10 September 2013 14:25
Monday, 04 August 2014 09:07
Friday, 23 May 2014 05:26
Friday, 04 April 2014 14:37
Saturday, 14 December 2013 12:48
Saturday, 08 March 2014 22:59
Monday, 09 September 2013 22:14
Friday, 03 January 2014 14:14
Sunday, 06 October 2013 20:06