BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Madaarka Caalamiga Ah Ee Magaalada Muqdisho Oo Yeeshay Websate Laga Daalacankaro Duulimaadka Iyo Soo Degida Diyaaradaha


MUQDISHOMADAAR13.08-2013 (BNN) Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa loo sameeyay bog internet oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa duullimaadyada ee garoonka.
Bogga mogadishuairport.com ayaa laga heli karaa magacyada diyaaradaha qorsheysan inay maalintaas yimaadaan, dalka ay ka imaanayaan, lambarka duullimaadka iyo xilliga ay soo degayaan. Sidoo kale waxaa warbixintooda bogga laga heli karaa diyaaradaha ka baxaya garoonka.

Bogga ayaa sidoo kale laga heli karaa qeyb laga ogaan karo qiimaha sarrifka lacagta qalaad iyo shilin Soomaaliga, fureyaasha telefoonnada, adeegyada deg-degga ah iyo ammaanka garoonka.
Liis lagu sharraxayo dalalka safaaradaha ku leh Muqdisho ayaa ku jira website-ka iyo dalalka qorsheynaya inay safaaradahooda dib u furtaan.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo ay Bar-kulan la xiriirtay ayaa sheegay in website-kaas aanay maamulin laanta socdaalka.
Muddo labo sano ah ayaa website-ka la diiwaan-geliyay labadii bishii June ee sanadkan 2013,
Xafiiska Wararka Boramanews.com
Boramanews.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 15 December 2013 07:11
Friday, 11 July 2014 13:43
Friday, 22 November 2013 21:03
Thursday, 20 March 2014 09:58
Thursday, 19 December 2013 14:48
Saturday, 16 November 2013 15:00
Sunday, 15 September 2013 13:31
Wednesday, 30 October 2013 14:29
Saturday, 22 February 2014 01:13
Sunday, 20 April 2014 00:47