BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Madaxweynaha Awdalstate Oo Wadahadal Qarsoodiya La Bilaabay Somaliland Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Qorsheeyay In Hab Beelaysan Uga Takhaluso+Xirsi Oo Daadihinaya........

XirsiAwdalstate13-08-2013 (BNN) Warar hoose oo xog ogaal ka agdhow kooxda Awdalstate usoo gudbinayaan Xafiiska Wararka Ee Shabakada Caalamiga ah ee Boramanews ayaa tibaaxaya in Wadahadal qarsoodi ahi u bilaabmay 
Xafiiska Madaxtooyada Somaliland oo uu horjooge ka yahay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Awdalstate Garyaqaan Rashiid Aw Nuur Xirsi.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo xanuun badan ku hayaan kooxaha Khaatumostate iyo Awdalstate oo si wayn ugu firfircoon qurbaha iyo hay,adaha caalamka ee daneeya dhulka Somalida.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku dadaalaya in kooxahaasi uu keeno hoostiisa oo heshiis lagalo ayaa la sheegayaa in Wasiirkiisa Madaxtooyada oo adeegsanaya Qaraabada Hogaanka Awdalstate oo uu ka mid yahay Wasiirka Shaqada Somaliland Mudane Garaad ay khadka Tilifoonka kula xidhiidheen Kooxaha u ololeeya Midnimada Somaliya ee ku abtirsada Gobolada Awdal Iyo Salal Ee Hamuunka u qaba in la helo Midnimo Soomaaliyeed oo xalaal ah oo heshiis lagu yahay.
Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan ku guulaystay in uu soo xero galiyo Prof Axmed Ismail Samatar oo ahaa laf dhuunta u gashay Somaliland Iyo hogaamiyihii SSC Xaglo-toosiye oo la sheego in dhaqaale badan ku baxday ayaa  Siilaanyo oo ka faa,iidaysanaya waayo aragnimadiisa soo xera galinta kooxaha sida wayn u diidan Maamulkiisa iyo qadiyada gooni isku taaga Somaliland, kooxahaasi oo ku dooda in beesha isaaq ku caano maasho Somaliland dulmi wayna ku hayaan qabaailka degan waqooyi.
Wararku waxa ay sheegayaan in beesha madaxweynaha Awdalstate uu kasoo jeedo loo balan qaaday in xilka Madaxweyne Ku xigeenka loo magacaabo isla marakaana xilal muhiim ah loo dhiibi doono dhalinyarada dabada ka riixaysa maamulkaasi dibad wareega ah ee laf dhuun gashay ku noqday Maamulka ay awooda intiisa badan iska leeyihiin beesha Isaaqa ee Somaliland.
Warkani waxa uu kusoo beegmayaa warar isa soo taraya oo sheegaya in Xisbiga Kulmiye ay rabaan in jagada Madaxweyne Ku xigeenka geeyaan Prof Ismaaciil Muumin Aar oo ay isku jufo hoose yihiin Madaxweynaha Awdalstate.
Dadka ka faalooda Siyaasada Soomaalida ayaa Boramanews u sheegay in Haddii ay arintani dhabowdo aysan waxba ka badalaynin dhaqdhqaaaqa Somaliwayn jacaylka ee Awdalstate,isla markaana Madaxweynaha imika talada Haya ee Rashid Aw  Nuur uu xilku kaga egyahay bisha Nofembar ee sanadkani taasi oo ay golaha wakiilada Awdalstate shir iskugu iman doonaan oo ay ku dooran doonaan hogaan cusub.
Hogaamiyaha Awdalstate ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay xil ka doontay magaalada Muqdisho taasi oo uu kala kulmay wax aan lagu farxin isla markaana warbaahinta u sheegay in Muqdisho uu kasoo niyadjabay,Lama oga Hogaanka ka dambeeya ee badali doonaayi meesha uu afka ugalin doono Awdalstate.
Xafiiska Wararka Boramanews
Isha Ku Hay Boramanews.com/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 12 February 2014 22:58
Thursday, 20 March 2014 18:26
Thursday, 20 March 2014 09:40
Saturday, 11 January 2014 12:45
Thursday, 24 April 2014 03:42
Wednesday, 12 March 2014 21:04
Wednesday, 23 April 2014 19:15
Thursday, 26 December 2013 18:07
Wednesday, 09 October 2013 10:18
Thursday, 21 November 2013 21:49