BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Qurbajoogtii Ugu Badnayd Abid Oo Buuxdhaafiyay Borama Iyo Shirar Xog Ururin Ah Oo Bulshada La Yeesheen+Maamulka Gobolka Oo Sas Ka Qaaday Dhaqdhaqaaqa ......WARBIXIN

Boramasuuqa13-08-2013 (BNN) Wararka ka iminaya xarunta gobolka Awdal Ee Borama ayaa sheegaya in bilihii ugu dambeeyey ay ku sii qul qulayeen qurba joog aad u tiro badan kuwaasi oo ka kala tagay intoo badan dalalka Waqooyiga America Europe. kuwaasi oo inta badan u kal tagay siyaabo kala duwan dalkooda hooyo. kuwaasi oo dhaqdhaqaaqa magaalada wax weyn ka badalay siiba ganacsiga. waxaa ay intaasi ku darayaan wararka ka iminaya Borama in ay bilaabeen qurbjoog taasi ku sugan xarunta gobolka Awdal kulan gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan bulushada qaybaheeda kala duwan kuwaasi  inta badan kawada gorfaynaya danaha iyo mustaqbalka horumarineed ee gobolada galbeedka s/land.

Qubjoogtan ayaa badankoodu yihiin dadka aadka ugu ololeeya maamulka Awdalstate kuwaasi oo qaarkoodna xilal kala duwan ka soo qabtay maamul goboleedka  Awdalstate. walaw ay wadaan qaban qaabada kulan balaadhan oo ay ku arkaan qurba joogtani iyo bulushada qaybaheeda kala duwan kaasi oo la saadaalinayo in uu todobaadkan gudihiisa ka qabsoomo xarunta gobolka Awdal ee Borama waxaa ay intaasi wararku raacinayaan in aan kulankaasi lagu soo marti qaadin maamulka heer gobol heer degmo iyo cid wax xil ah ka haysa maamulka somalilnd, kaasi oo walwal xoogan ay ka muujinayaan masuuliyiinta gobolku.isla markaana ay bateen ciidamada nabadsugidaa ee dharcadaa kuwaasi oo inta badan dabagal ku haya qurba joogta isla markaana ku dadaalaya sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqyada Qurbajoogta reer Awdal 
Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews.com/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 08 October 2013 03:35
Friday, 25 April 2014 09:02
Wednesday, 27 November 2013 10:50
Saturday, 10 August 2013 12:48
Thursday, 29 May 2014 07:23
Monday, 23 June 2014 02:59
Wednesday, 02 July 2014 10:35
Sunday, 15 June 2014 15:47
Tuesday, 29 October 2013 13:35
Saturday, 11 January 2014 22:08