BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO VIDEO : Masaajid ku Yaala Magaalada Konduga ee Waqooyi bari Dalka Nigeria oo lagu Dilay 56 Qof Iyagoo Salaada Ku Jira +VIDEO

masaajidNigeeriya1
13-08-2013 Borama (Bnn) Ugu yaraan 56 qof ayaa ku dhimatay weerar saladii subax lagu qaaday Masaajid ku yaal magaalada Konduga ee waqooyi bari dalkaasi Nigeria (Nijeriya).


Weerarka lala beegsaday masaajidka ayaa la sheegay in ay subaxnimadii Axada soo qaadeen kooxo afka soo duubtay oo salaadii subax xili lagu jiray rasaas ooda uga qaaday dadkii halkaasi ku tukanayey. Weerarkan ayaa mar danbe la ogaaday, waxayna dowlada ka hadashay shalay oo Isniin ahayd.

Dadka deegaanka ayaa rumeysan in weerarkan ay ka danbeeyaan kooxda mayilka adag ee Boko Xaram, kuwaasi oo la sheegay inay si weyn ugu cambaareeyeen shacabka deegaanka sida ay gacanta u siinayaan ciidamada dowlada Nigeria ee la dagaalamaya kooxda Boko Xaraam.

Boko Xaraam oo u dagaalama hirgelinta shariicada ayaa in muddo ah kasoo dagaalamayey Waqooyiga dalka Nigeriya.

Sabtidii lasoo dhaafay ayey sidan oo kale kooxo hubeysan weerar ay ku qaadeen deegaanka Ngom ee degmada Mafa ay ku dileen ugu yaraan 12 qof oo kale.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 14 February 2014 16:06
Monday, 21 October 2013 20:15
Thursday, 05 December 2013 04:25
Sunday, 08 December 2013 14:48
Thursday, 05 September 2013 03:18
Monday, 19 May 2014 17:10
Friday, 02 May 2014 16:10
Wednesday, 11 June 2014 04:25
Wednesday, 29 January 2014 01:52
Saturday, 30 August 2014 08:34