BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BORAMA:Maxaa Ka Jira In Badhasaabka Awdal Cabdoo Xaayir Uu Hargaysa Kala Yimid Warqad Golaha Degaanka Boorama Ka Mamnuucaysa Inay kalfadhi Qabsadaan Mudo Sanad Ah.

Gudoomiyaha_Awdal
13-08-2013 (BNN) Waxa isa soo taraya warar dareen dhaliyay oo Soo Gaadhaya Boramanews oo sheegaya in Gudoomiyaha gobolka  Awdal Cabdoo Aayar, oo maalmihii ina dhaafay ee ka dambeeyay ciida ku maqnaa magaalada Hargaysa uu wasaarada Arimha Gudaha u doontay warqad ka dhan ah golaha degaanka ee degamda Borama, taasi oo ka mamnuucaysa in goluhu kalfadhi qabsado mudo sanad ah.
Gudoomiye Cabdoo ayaa la sheegay in uu warqadan isaga oo wata ku soo laabtay Boorama, isla markaana uu damacsan yahay inuu amar dushakaga keeno golaha degaanka Boorama, oo Bilihii ugu dambeeyey quuxa iyo shanqadha ka dhaxaysa ay aad u kacsanayd kuwaasi oo qorshaynayey  inay qaadaan talaabooyin sharci ah oo ay xilka kaga  ka xayuubiyaan  Duqa degamada Boarama  Saleebaan Xasan Xaddi oo inta ugu badan xilidhaanada golaha deegaanka degmada Borama ay iskaga hor imaadeen hawlo shaqo kuwaasi oo si weyn la isku maan dhaafay.
Ma cada waxa sababay in Badhasaab Cabdoo uu la safto hal dhinac oo ka mid ah  golaha degaanka Borama oo uu hormuud ka yahay Duqa degamada Borama, waxase la ogyahay in uu marar badan ka cagajiiday inuu qabto kalfadhigaas aan caadiga ahayn oo ay ka dalbadeen xubnaha aqlabiyada  ah oo golaha degaanka ee Boorama ku jira kalfadhiyadaasi oo baaqday in ka badan 3 jeer talaabadan hada uu ku dhaqaaqay gudoomiyaha gobolka Awdal ee war qada ka dhanka ku ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Borama. 
geesta kale waxaanu khadka telephone kula xidhiidhnay qaar ka mid ah xidhibaanada golaha deegaanka degamada Borama kuwaasi oo wax ay ka ogyihiin talaaban la sheegay in uu qaaday gudoomiyaha gobolku hase ahaatee waxaa ay kaga gaabsadeen in ay ka hadli doonaan marka ay cadaato arintani ayna qaadi doonaan talaabada uu ka mutaystay Gudoomiye Cabdoo.
ilo wareedyo aad uga ag dhaw dhaw gudoomiyaha gobolka ayaa sheegaya in maanta galinkii dambe u amaba baxay gudoomiyuhu magaalada hargeisa inkastoo ayna  cadayn u jeedada safarkiisa. hase ahaatee waxaa waqtiyadii ugu dambeeyey si weyn looga hadal hayaa xarunta gobolka Awdal Ee borama talaabooyinka awooda ku dhisan ee uu cabdoo ku dhaqmo 
Axmed Jaamac Xuseen 
Boramanews Desk
Xafiiska Wararka Boramanews

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 05 October 2014 18:48
Saturday, 15 March 2014 22:55
Monday, 17 February 2014 10:34
Saturday, 21 December 2013 23:37
Thursday, 01 August 2013 12:31
Friday, 25 April 2014 12:52
Wednesday, 13 August 2014 01:13
Saturday, 08 March 2014 13:02
Tuesday, 29 October 2013 17:59
Saturday, 10 May 2014 12:04