BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO SAWIRRADA + WARBIXIN Askari Ka Tirsan Ciidanka Milateriga Somaliland Oo Saaka Weeraray Maxkamada Gobolka Tog-Dheer

askaritog1

26-08-2013 Burco (Bnn) Mid ka mid ah askarta ciidanka qaranka ayaa saaka Hub ula baxay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer iyo ilaalada Maxkamada Gobolka Ka dib markii askari Ciidamada Mitariga Somaliland ka tirsan loo soo Gooyay waaran qabasho kaas oo ku yimi,

askaritog1

kiis in badan soo jiitamamayay oo ay isku haysteen nin shacab ah iyo afar  askari oo ka tirsan ciidanka milatariga ,  kaas oo ay maxkamada sare ka soo samaysay Fulin 2009 kii,

Dhacdadani maanta ka dhacday  Maxkamada burco  ayaa  saaka maxkamadaasi  ku keentay  Buuq iyo argagax,taas oo keentay in ay shaqadii Garsoorku hakad gasho,waxaanay dadwaynihii Goobtaas joogay sheegeen inay arintani Gef ku tahay Garsoorka iyo Cadaalada.

askaritog1

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur oo ka hadlayay qaabka ay wax u dhaceen ayaa Ciidamada Milatariga ku eedayay inaan Garsoorku ka shaqayn karayn,waxaanu sheegay in kiisas Fara badan oo Fulin u bislaaday ay Hor taagan yihiin,isagoo sheegay in kiiskan saaka Hubka loogula baxay uu Mudo badan soo socday dhawr jeerna uu ka Codsaday Taliyaayasha ciidamada in askartan sharciga ay Horkeenaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer oo dhacdadaasi ka hadlaya ayaa wuxu yidhi

”sidaad ogtihiin anagu waxaanu nahay Garsoor u gar naqa dadwaynaha dhediisa iyo dadwaynaha iyo dawladaba,Garsoorku wuxuu u madaxbanaanyahay awoodiisa garsoor sida sharcigu qorayo ama dastuurku inoo sheegayo,saaka wax jiray kiis uu dhibane ka yahay ninka la yidhaado maxamed Cali haaruun,kiiskaas oo ay isku dacwaynayeen,afar askari iyo dadkale oo shicib ah oo hore ug iibiyay isaga,waxaana kiiskani soo galay Maxkamada 2003 dii oo anaan anigu Maxkamdan Gudoomiye ka ahayn dhawr jeerbaa la celceliyay Xukunkii 2003 dii loogu dhawaaqay in,Xukunka Maxkamada sarena waxa uu soo baxay 16.3.2009 waxaana soo saaray sadex Garsoore oo maxkamada sare ah,aniguna waxaan imi 2011 ayaan ugu imi galkan oo fuli soo dhamaystay,waana laga cashuuray oo tii fulinta ahayd ee ugu danbaysay waxa uu ka bixiyay 108650 sln,kiiska intaas soconayay ee maxkamadu Xukuntay waxa hortaagnaa askarta ciidanka Milatariga ee degan gaaska Gobolka,waxaanu  yeedhnay taliyayaasooda waxaanu isla fagaranay inay iyagoo xidhana maxkamada keenayaan saaka waxa uu noo yimi isagoo ay laba sarkaal la socdaan uuna xidhanyahay darajadiisii,wuxuuna hoosta ku sitaa baastoolad,waxaanuna u sheeganay siday arintani garsoorka hallis ugu tahay,taliyihii la socday ayaa xafiiska igu aflagaadeeyay,askarigiina waxa uu la baxay baastoolad oo askarigii gaadhka maxkamada ayuu ku qabtay Booliskii iyo dhibanihiiba ku dhufo ayuu is yidhi aniga oo ah gudomiyihii maxkamada iyo ninkii dhibanaha ahaa ee ay dhulka ku haysteena baskoladii ayuu dhunta nagaga qabtay” ayuu yidhi Gudomiyaha Maxkamada G/Togdheer

askaritog1

Muwaadinka ay ciidankani Milatariga ahi ku haystaan dhulkani  Maxamed Cali Haaruun oo isna ka hadlay ayaa isna kiiskan mudada uu soconayay waxa uu yidhi
”kiiskani waxa uu ahaa oo dhulkan oo  layga iibiyay xiligii ina cigaal wuu igaga dhintay,waxaa qabsaday Rayaale,wuu igaga tagay oo hada waxaa jooga madaxwaynahan hada,intaasna waxaan ilaalil-nayay sharciga waxaan hor taagnaa Garsoorka waxaan u taagnaa cadaalad marakasta oo nimankaas loo yeedhaba waxaa wada saraakiishooda oo nodhanaya anaa keenaya markii ugu danbaysay hada waxa ay ahayd in uu isagoo maxbuusa keeno waxa la keenay isagoo dirayskisii wata.waxaanu la gaaf waareegayay baastoolad oouu is lahaa ku dhufo aniga iyo garsooraha,Nimanakaa aanu dhulka isku haysanaana waa afar askari” ayuu yidhi Maxamed Cali Haruun
askaritog1

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Aaga Bari Gashanle Sare  Maxamed Abokor(Joon) ayaa isna dhinaciisa Eedayn baladhan usoo jediyay  Gudoomiyaha maxkamada Gobolka in uu isagu ka danbeeya falkii ka dhacay maxkamada,

Waxaana ka mid ahaa Hadaladisii   “waxaan filayaa inuu Gudoomiyuhu isaga badheedhay inuu ciidanka qaranka dhaleeceeyo waana gef cad oo uu kula kacay ciidanka qaranka ma garanayo,waxaan askarta ugu diray in lasoo hubasado kiiska,dabadeedna askarigii oo labisan ayuu askarigii ku amray.waxaan u arkaa inuu  badheedhay isagoo dano gaar ah ka leh Gudoomiyuhu kiiskas” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka qaranka Aaga Bari

Si kastaba ha ahaatee iyadoo ay dadwaynaha reer Burco Ee saaka maxkamada ku sugnaa ay arintani ku keentay  fajac,waxaa hay,adaha garsoorka. Madaxda sare Ciidamada ay dadwaynaha reer somaaliland iyo kuwa Gobolkuba ka sugayaan in ay helaan Garsoor Fulineed isla markaana ku qotoma Cadaalada,iyadoo inta badan waaxda garsoorka ay ku gedaamantahay Fulinta la,aanta  kiisaska isdul buuxsamay.

askaritog1

askaritog1

askaritog1

askaritog1

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 18 August 2013 04:12
Sunday, 09 February 2014 14:18
Thursday, 13 February 2014 09:44
Wednesday, 05 March 2014 20:38
Friday, 20 December 2013 14:54
Saturday, 12 July 2014 19:25
Saturday, 30 November 2013 22:43
Tuesday, 13 May 2014 11:32
Friday, 15 November 2013 08:34
Sunday, 13 April 2014 11:19