|
Written by boramanews
Monday, 16 November 2009 13:35 |
|
|
|
|
|
Xukuumada Somaliland oo u Jawaabtay Sh.Shariif |
|
Aagoo tix raacayna Hadalka ka soo yeedhay Sh. Shariif Sh.Axmed ee Dawladda T.F.G da ee ku soo baxay Wargeyska Ogaal cadadkiisa 914 ee taarikhdiisu tahay manta 16/11/2009 oo uu ku sheegay in ay Somaliland sugayso xalinta dhibaatada ka taagan Somalia iyo in ay jirto fursad wada hadal in ay labada dhinac “Somaliland & Somalia” ah ay jirto.
Hadaba waxaanu Shariifka u sheygayna in uu riyoonayo oo aad moodo in uu imikaba hurdada ka soo toosay, Somaliland waxay aayaheeda ka tashatay 1991 kiiwaxayna go’aansatay 1991 kii in ay kala soo noqoto xuriyadeeda ka luntay .
Qadiyada somaliland cid ay gorgoortan lala gala ma jirto waxaanu u sheegeynaa Shariifka in uu ku ekaado dhibta ka haysata xalinta arrimaha Somalia intu kolba meel kale u hanqal taagayo ‘Tiisiba daryeela tu kale ku dara”
Waxaanu leenahay Shariifoow wali nabarkii nama bugsan ee naga soo gaadhay midnimadii Somalia, wax Somalia nagaga xidhana ma jiraan .
Qodobka labaad ee uu sheegay in ay fursad wada hadal jirto waa habeenkii xalay oo tagay in ay fursadaasi timaado .
Haddabawaxaanu Shariifka iyo dawladiisaba leenahay ka waantooba hadalada siyaasadeysan ee ay had iyo goor ku khaldayaan ra’yu caamka caalamka oo ay ku beerlaxawsanayaan dadka , waxaanu leenahay Somaliland way taqaana danteeda waanay ka tashatay dawlad iyo shiciba.
Allaa Mahad leh
Siciid Maxamed Nuur
Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda.
|