|
Written by boramanews
Wednesday, 23 December 2009 06:37 |
|
|
|
|
|
XALKA CEELBARDALE IYO SACADIIN MAKEENI KARO SULDAAN JEEB MADHANI EE WAXAA KEENI KARA SANAD MULATARI (manso salsaal) By:farhan adan warsame |
|
sida aaynu wada ognahay beel wayta gobolka awdal waxaa laguhayaa weerar qaawan oo aay ku hayaan labada beelood ee hareeraha ee horayna isku bahaysay ee u walaaloobay cabsida aay kaqabaan beesha awooda badan ee awdal oo aan dagaal lagaga durkisan karin taako dhulkeeda ah lakiin inta badan looga adkaado marka la adeeg sanayo kalmada abti iyada oo loo soomarayo suldaan jeeb madhan iyo siyaasin aan kalsooni badan qabin taasi waa mida sababtay in beesha awdal dhulkeedii manta si nabad galyo ah lagaga fara maroojiyo
waxaa is waydiin mudan xalka bulshada awdal muxuu kujiraa waxuu kujiraa in aay sacabo tunka shisheeyaha iyo cadow gooda aay usacabo tumayaan dhaafaan oo aay wada tashi kasameeyaan inay siyaasadooda iyo ganacsigoodaba u madax banaanadan hadii aanay wada tashi kasamayn waxaa dhici doonta in xididada loo saaro dhamaanba dhulka aay beeshu ku sheegato dagaan ahaan somaliya bal saadasha muuqata waxaan isu dayayaa inaan suganyar ku cabiro meesha aay marayaan bulsho waynta awdal
samaroon salsaal baa ku dhacay saacan manta ahe
sibraha iyo boqon tays jareen subac kaliileede
sabar kiyo laftooday jabsheen goor saluug jirae
surgin bay dhamaantod sudheeg dhuunta seerkaleh e
dhulkii laga suqyoo uma u hadhin seer gal iyo mayle
sacadiina mantay tagtiyo saylac iyo xeebe
seeraha wajaaliyo ilaa gabilay suunteeda
sinta buurta mudha iyo ilaa agabar soogeeda
ceel sheekh sakada loo baxshaan cidi saluugayne
sabadadaad lahaydeen ragbaa soo dagoo yimide
malaha waad siloontiin tolkoow sidani waa yaabe
saablaydo idin dhiigaysaad sacab garaacdaane
sabaacii xaqiinii lunshaad saan ugogoshaane
kuwii safaradiinii qashaad soodhawoow tidheye
ninka waran kusudhay ee kufaad soo kacleedahaye
sinbiidhiyo nin qodax kuu dhigaad sogob uloogtaye
xaajadu masaalono oo waydin sidataaye
qoomamkii salguuraad kolay sawir wadaagtane
falastiin dariiqay martaad maanta socotaane
sarta qudhunsan ee ceelbadiyo saylac iyo xeebtu
suldaan loo diriyo ma anay rabin saaqid jeeb madhane
sanad mulatariyo waxay rabtaa sooljar dhiig kulule
marka ay sun iyo boog dhasheen galowga soor yeeyno
oo aay siloonato aay sar iyo ciin daaqdo
ee aay salguurta malay samo yimadaane
salabkiyo hubkiinii gurtoo xaaqa sabadkiina
sidii rooble seef aan galwadan garabka sii saarta
geedi malable suu yeeli jiray samayda dhiigeeya
sidii geele waran geerarwayn gawda kaga saara
gayigaynu leenahay waryaan cadawgu soogadhin
uguntada marlay geeska waaw gacan saraysane
by farhan adan warsame
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|