|
Akhristeyaal waa Qormadii Lixaad, ee ku saabsan qormooyinka taxanaha ah ee aan kaga hadlaynay waxqabadyada muhiimka ah ee Maayar Jiciir, annaga oo Akadami ahaan eegayna horumarka iyo guulaha uu soo hooyay Maayar Jiciir, ayaanu qormooyinkan idiin soo tebinaynaa, qormadan lixaadna waxa ay ku saabsan tahay, qubane ku saabsan waxyaabaha uu qabtay Jiciir, ayna ka mid yihiin:
Samaynta goobaha la hadhsado ee uu Jiciir ka dhisay seyladda Hargeysa, goobahaas oo noqday gaashaan milicda ka celiya dadka ku jira ganacsiga xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland.
Qalabaynta xafiisyada Dawladda Hoose ee Hargeysa, oo lagu qalabeeyay kombuyuutaro, iyada oo ay markii hore xafiisyada oolli jireen teebab qadiimi ahi.
Samaynta iyo dayactirka sariibado laga dukaansado, oo laga hirgeliyay xaafadaha ay ka mid yihiin: Jigjiga-yar, Suuqa Inji, Maxamed Mooge IWM.
Daadajinta maamulka, iyada oo qaybo ka tirsan hawlihii dawladda Hoose loo xilsaaray ururo wadani ah oo la shaqeeya Dawladda Hoose ee Hargeysa, sida ururada DHIS iyo SABAWANAAG, oo dawldda Hoose kala shaqeeya nadaafadda magaalada.
Qaybo badan oo ka tirsan magaalada oo lagu xidhay laydhka nabadgelyada "secuirity light", kuwaas oo hoos u dhigaya cabsidii ay dadku ka qabeen madawga habeenimada.
Wanaajinta xidhiidhka dibadda, iyada oo uu Maayar Jiciir yahay maayarka keliya ee ka qaybgala shirar caalami ah, oo ay ku kulmaan Maayarada Caasimadaha adduunku, iyada oo ay xidhiidh leeyihiin Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo dawladaha hoose magaalooyin badan oo waaweyn oo ku yaalla adduunku.
Taakulaynta iyo la shaqaynta qaar ka mid ah degmooyinka iyo gobalada ku hareeraysan magaalada Hargeysa, iyada oo uu Maayar Jiciir qalabeeyay xafiisyada maamul ee Gobolka Hawd, oo ka mid ah goboladii uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, caasimadiisuna ay tahay magaalada Balligubadle.
Dhismeyaal cusub oo uu ku soo kordhiyay Dawladda Hoose ee Hargeysa, sida fooqa cad ee uu dhisay Maayar Jiciir, ahna fooq bilic leh, oo ay ku shiraan Xildhibaanada ku jira Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.
Keenista gawaadhida nadaafadda ka shaqeeya, sida gawaadhida qaada xashiishka, kuwaas oo dardar-geliyay shaqadii gurista xashiishka, oo berigii hore qaadan jirtay muddo badan.
Keenista gawaadhida dabdemiska ah, gaadiidkaas oo hoos u dhigaya halisaha uu sababi karo dabka ka holca Hargeysa, oo gubi kara guryobadan, hanti baddana galaafan kara, nafo badanna dili kara.
Keenista cagafcagafyada Dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaas oo hawlo badan ka qabta Hargeysa.
Qurxinta, hagaajinta, iyo bilic u yeellida Beerta xorriyada ee magaalada Hargeysa, isaga oo Maayar Jiciir ka dhigay Beerta Xorriyada meel qurxoon oo lagu jimicsado, galabnimadana ay jimicsi iyo orod ahaan u tagaan dad badan oo ka mid shacabka Hargeysa.
Magacaabista saddex waaxyood oo cusub oo lagu soo kordhiyay shantii waaxyood ee ay ka koobnayd Caasimadda Hargeysi, taas oo qayb ka ah fidinta maamulka, waaxyaha Hargeysana ka dhigeysa 8 waaxyood oo kala ah: Axmed-Dhagax, 26/June, Gacanlibaax, Maxamuud Haybe, Ibraahim Koodbuur, Axmed Macallin Haaruun, Maxamed Mooge iyo Cabdi Iidaan, siddeedaas waaxyoodna waa waaxyaha ay ka kooban tahay Degmada Hargeysi.
Guud ahaanna waxqabadyada Maayar Jiciir, waa qaar u hiraya sida dayaxa, waana masuul karaankii xilkiisa uga soo baxa si hagar la’aan ah.
La soco qaybta 7AAD
Education and Research Academy Desk
Hargeisa, Somaliland
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|