HOT NEWS
Written by boramanews    Thursday, 24 December 2009 13:19    PDF Print E-mail
Abu Dhabi : Kulan Casho oo kulmiyay Beelaha “Habar Magaado”



Kulan  Casho ah,oo si heersare  loo soo agasimay, ayaa lagu qabtay Abu Dhabi ,dalka Emaaraadka Carabta.Kulankaas oo ka dhacay “ Somali Brothers Resturant” Mussafah , waxa kasoo qayb galay dad aad u tiro badan oo ka kooban Odayaal, Madax dhaqameedyo, iyo aqoonyahano. Kulankaas , oo aan siyaasad ku lug lahayn, waxa lagaga  hadlay sidii loo hourumarin  lahaa guud ahaan Somaliland  gaar ahaana Degaanada ay degaan Belaahaasi. Waxa mudnaanta kowaad la siiyay sidii loo dayac tiri lahaa, loona hagaajin jidadka isku xidha, Hargeisa-BaliGubadle; Hargeisa Oodwayne-Burco,  Gabiilay-Hargeisa. iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegayadda bulshada .Waxa la saaray Guddi kooban oo  soo qabanqaabisa shir balladhaan oo beelahaasi ku kulmi doonaan Abu Dhabi, sanadka cusub 1st Jan,2010 . Waxa laysku afgartay inaan Siyaasad lagu soo hadal qaadin shirkaas, ajandahuna  ku koobnaado barnaamijyadda  horumarinta “ Development Programs ” .

 Waxa kale oo ay ku boorinayaan beelaha kale ee Reer Somaliland inay ka waantoobaan soo saarista  Baaqyo & Go’aamo ku salaysan  siyaasad oo khal-khal gelin kara jiritaanka Somaliland, kana soo horjeeda ku dhaqanka dastuurka iyo nidaamka dawladnimo.

 

 

Wa Bilaahi Towfeeq

Af –Hayeenka Beelaha Habar Magaado, Mussafah, Abu Dhabi.

Jama Yusuf  Xandule

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .