|
Written by boramanews
Sunday, 27 December 2009 15:16 |
|
|
|
|
|
SALADIINTA IYO SIYASIYIINTA REER AWDAL MIDHIHII AAY BEERAYEEN QARNIGII UDANBEEYAY MANTA AYAAY BULSHADU GOOSTEEN. BY FARHAN ADAN WARSAME |
|
sideedaba bulshada waxaa hogaamiya oo horkaca saladiinta iyo aqoon yahanka siyaasigu waa udoodaha bulshada raadsha xaqa uga maqan dadyoowga dariska ah manta waxaa hubaal ah saladiinta reer awdal ee waa labahdilay laleeyahay manta lama bahdiline horay ayay iyagu naftooda u bahdileen markii sadbursiga lagu sameeyay gogoshii aay iyagu dhigeen ee aay udhigeeb beelaha jaarka marlabaad waxay naftooda bahdileen diwangalintii dhicisowday markii waxii aay bulshada aay matalaan ukeeneen lawaayay marsadexaad waxay bahdileen naftooda markii haldoorkoodii birta lasaaray ee hilbahooda lasaafay markaa waxaa hubaal ah inaanay sharaf iyo karamo aay kulahayeen bulshada aay matalaan iyo reeraha jaarka iyo xukumada midna jirin
saladiinta reer aawdal markasta oo bulshadooda dhibataysani aay kacdo oo aay bulshadu isu daydo inay xaqooda raadsadaan waxay saladiintu isu dayaan inay carqaladeeyaan dhalinyartooda dhiidhiday waxay biyo kushubaan hanka shabaabkooda iyo himilada bulshadooda waxay burburiyaan moralka aay uhayaan shabaabku inay xaqooda cidna udaba joogsan waxay saladiinta awdal iyaguna talo mahayaan waxii talo keenana waay kahinasaan oo waxay kudoodaan maxaad noo dhaafaysaan hadii aaydaan namaqal waan idin habaraynaa somalidu waxay kumahmahdaa (baqali madhasho wax dhalana madoonto) saladiinta waxay noqdeen curigii dhashiisa cunayay waxaana lagudboon shabaabka ree awdal gudo iyo dibadba inay tashadaan kana tanasulaan suldaan kusheeg yada aay talada kasugayaan
aqoon yahanka bulshada awdal iyaguna waxay gabeen kalintoodii lama hayo nin aqoon yahana oo waraysi kabixiya websaydada iyo idacadaha wararka laga tabiyo oo ka hadlaya mustaqbalka dhoow iyo midka fog toona waxay hiig sanayaan aaway aqoonyahankii bulshada reer awdal ee lagu xamanayay hormuudka aqoonta somalidu waxay tiraahdaa (tiisaba daryeelaa dadkakale wax taartee)aqoonyahanka reer awdal aqoontiisu miyaanay anfici karin gobolka uu kasoo jeedo mase aamin sanyahay aqoon yahanka gobolka awdal inuu kasoo jeedo bulsho balaaran una bahan wax qabadkiisa waxaynu lasoconaa in dadkii iyo dhulkii reer awdalba noqdeen timir xabaal taala oo nin waliba gacanta galiyo dhawr fudna uu ka goosto aqoon yahanka gobolka awdal waxaa latagan yahay xiligii aay bulshadooda ujahayn lahayeen ee aay talada gobolkooda iyagu lawareegi lahayeen
doorka siyaasiga gobolka awdal sida aaynu tariikhda ku hayno lama arag siyaasi gobolkan kasoo jeeda oo waxtar lataban karo bulshadiida usoo qabtay sayaasigu waa udoodaha bulshada soo dooratay iyo gaar ahaan gobolka uu kasoo jeedo sayaasigu waa hubka lagula dagalamo maamulka jira sayaasigu waaka kasoo dhadhiciya xakumada jirta waxa aay bulshadoodu dhibsadaan ama xaqa bulshada kamaqan amase waxa aay xaq uleedahay i9nuu maamulku uqabto habase ahatee siyaasiga reer awdal waa aay lagu ugaadh sado malinta uu xil qabto ayaa ugu danbaysa xidhiidh uu lasameeyo bulshadiisa waxa uu samaystaa ehel iyo asxaabkale waxa uu duulan is daba jooga iyo weerar kusoo qadaa gobolkiisa dadkiisa iyo dhulkiisa isaga oo sadbursi uraadinaya ehelka iyo asxaabta cusub ee uu yeeshay markii uu xilka qabtay waa sida ina rayaale iyo ina xaji dahir marwalba waxay diyaar uyihiin inay qaybiyaan dhulka iyo dadka reer awdal
isu soo wada duuboo manta waxaynu taganahay hadii aanu nahay bulsha waynta tariikhiga ah ee gobolka awdal xiligii aqoonta reer awdal iyo caqligu shaqayn lahaa ee aaynu katanasulilahayn 2 qarni ee udanbaysay qaabkii aaynu unoo layn waxna kabadali lahayn habdhaqanka dhexdeena ururka qurbajoogta reer awdal haku midoobaan hal urur oo kaliya si aaynu dhan uga soo wada jeesano danta bulshadeena waliba aaynu ku daba faylo (ururka ardaa) ee waqooyiga amarika si aaynu umidayno cududeena iyo awoodeena aanan uga kaaftoono danaha bulshadeena oo cid kale udaba joogsano manta dhibta ina haysataa waa mirihii siyaasiga iyo cuqaasha bulshadeenu aay inuu beereen qarnigii udanbeeyay
by farhan adan warsame
adwarsam1@ yahoo.com
|