HOT NEWS
Written by boramanews    Monday, 28 December 2009 13:20    PDF Print E-mail
TV-ga Qaranka oo ka Digay Qorshe Khiyaamo ah oo la Sheegay in looga Daawan Doono Qaarada Yurub


War Saxaafadeed ka soo baxay  masuuliyiinta iyo Maamulka tvga Qaranku  kaga digeen Qorshe khiyaano ah oo dad ku nool Yurub ay ku sheegeen , in dadka ku dhaqan Qaardaha Yurub Iyo America Ay SLNTV ka heli doonaan  oo ka daawana doonaan  qalab ay macmaleen oo ay ku sheegeen inay ugu soo gudbin doonaan Telefishanka Qaranka Somalilan

Hadaba Masuuliyiinta TVga ayaa dadkaa ku nool qaaradaha Yurub iyo America waxaanu ugu bushaaraynaynaa in ay si toos ah oo xalaal ah ay uga daawan doonaan Telefishanka Qaranka Somaliland Sida looga daawado Wadamada kale ee Asia iyo Africa Hawashaana lagu gudo jiro sida ugu dhaqkhsaha badana ay uga bogan doonaan  Dhamaan Barnaamijyada iyo Wararka Tvga Qaranka

hasaye yeeshe aanay jirin wax qalab iyo Receiver ah oo maamuul ahaan ugu tala galeen   in lagu  daawado qaarada yurub. dadka qorshahan wada ay yihiin dad been abuurnim ah

Isla markaana anay dadka ku nool qaarad yurub hantooda iska gelin oo ay sugaan inta SLNTV si Caalami ah u soo gaadhayo ugudanbayntii  maamulka TVgu dadka arintaasi  wada ay u sheegeen inay ay iyagu masuul ka yihiin waxa ay wadaan dhibaatad aay keento dadkana ay ka daayaan waxyaalaha macmalka ah oo aanay lu’goyn Telefishan ahaana ay daba geli doonaan cida khayaamadaasi samaynaysa oo ay sharciga la tiigsan doonaan maadama uu Telefishanka Qarnku ahayn mid si gaar ah loo leeyahay ee uu yahay TV Qaran,

Wabilaahi AL-tawfiiq
Agaasimaha Guud ee SLNTV
Maxamed Muuse Diiriye