HOT NEWS
Written by boramanews    Monday, 28 December 2009 15:38    PDF Print E-mail
Xukuumada Somaliland oo u Jawaabtay Saylici.

Hargeysa(Bnn)- Xukuumada Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeedhay Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYIE C/raxmaan Saylici oo sheegay in Xukuumadu ku ducaysato in Masiibo dalka ka dhacdo.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland kuna saxeexan yahay Wasiir kuxigeenka Wasaarada ayaa lagu sheegay  in hadal Saylici uu yahay hadalada lagu yaqaan kooxaha ku caanbaxay kicinta iyo hurinta Dagaalada.

Warsaxafadeedka oo Dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan:-

Tixraac Maqaal ku soo baxay Wargeyska geeska Afrika Cadadkiisuna ahaa 26/12/2009 Cinwaankiisuna ahaa  Xukuumaddu Waxay Alle ka Baridaa in Masiibo dalka ka dhacdo hadalkaasi oo kasoo yeedhay C/raxmaan Saylici Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka ee Xisbiga Kulmiye .
 
Waxaan Filayaa in C/raxmaan Saylici Taariikhda Somaliland iyo tii Halgankaba uu Warmoog ka yahay sida ka muuqata hadalkiisa ee uu u Nisbaynayo inay ballo abuur tahay Xukuumaddu waayo haddii uu joogi lahaa wuu ka xishoon lahaa hadaladaasi oo ah kuwa lagu yaqaan Kooxda ku caanbaxday Kicinta iyo hurinta Dagaaladda si ay laba col dhexdood mar uun wax uga helaan .
 
Waxaan Jecelahay in aan Waydiiyo C/raxmaan Saylici Cida Hurisay Dagaaladdii Burco ee 1991kii , kii Berbera ee 1992 kii i, kii Hargeysa ee 1994 kii iyo kan ugu danbeeyay ee Ceelbardaale ?
Sidoo kale waxaan Su,aalayaa Musharaxa Jagada Madaxweyne Kuxigeenka ee Kulmiye yaa qalalaase iyo xasilooni daro ku hayay Xukuumadihii Marxuum C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Sidoo kale tii Marxuum Cigaal ?
 
Yaa Burush Madow la daba taagan Xukuumadda hadda jirta ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ?
 
Su,aalahan Jawaabahooga ayaad ka garan kartaa Waxa ad raadinayso ee sheeg ad is leedahay oo dadka ku Duufso Saylci waxaan leeyahay ka waantow Waxyaabaha aan xaqiiqada ahayn ee aanad garan karin adigu .
 
Allaa mahad leh
 
Cali Cilmi Geele
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland ahna Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland