|
Written by boramanews
Monday, 28 December 2009 18:52 |
|
|
|
|
|
Ninka la siiyay Saacadiin waa nin reer Somaliland ingiriis haduu yimaado oo uu maal gashaynayo waan soo dhawaynayanaa by:Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde(Guurti)+Dhagaysi |
|
Hargays(Bnn) dhawaan ayay ahayd markii ay ka soo laabteen waftigii iskugu jiray salaadiinta iyo Cuqaasha ka soo jeeda Awdal iyo salal Caasimada Gobolka Salal ee saylac.waftigaas oo sheegay inay quus kala soo hoyden ujeedadii ay u tageen.
Hadaba bal si aan dhinaca Dawlada iyo Xubnayaasha labada gobol uga jira Xildhimaanadooda bal heerka ay ka taagan yihiin qadiyadan Saacadiin iyo ceebaad.

Hadaba waxaan la xidhiidhnay wasiirka Dalxiiska C/risaaq waabari, Xildhibaan Xamaal, Xildhibaan, C/laahi Dheere, iyo Xildhibaan Jirde.Dhamaantood waa ay ka cudur taarteen inay ka hadlaan arinkan marka laga reebo Xildhibaan Jirde.
Hadaba Xildhibaan Jirde ayaa Su’aalo Dhawra oo ku saabsan qadiyadan maalmahan la hadalhayo wax ka waydiinay.
Su’aalaha aan waydiinay waxaa ka mid ahaa,Sidee ayaad u aragtaan jazeeradahan la bixiyay? Su’aashaa isaga oo ka jawaabaya waxa uu yidhi,Ninkan jazeerada la siiyay waa nin reer Somaliland ah haduu ingriis yimaado oo uu yidhaahdo waan maalgashanayaa waan soo dhawaynaynaa.

Mar uu ka hadlayay salaadiintii tagtay iyo cuqaashii waxa uu yidhi xildhibaan Jirde:
Markay leeyihiin Gurmad ayaa utagnay waxa aan leehay Deero Deero maxagdiyin inan yarna lama xagdin ee walaalahayow hadaad gurmad tihiin arintii Halkanee Ceelbardaale ee beelaha Somaliland ee Dila iyo gabiley ugurmada saylac waxba kama jiraane waxa dhibaata ahna ma jiraan fidnana yaan laga kicin ayaan leehay hadii ay xaga xukuumada dhaliil siyaasadeed u soo jeedinayaan ee walalayaal Saylac ha usoo marine toos hargaysa udhaliila baan leeehay.
Mar aan su’aal aan ka waydiinay Shirkii jaraa’id ee ay qabteen salaadiinta iyo cuqaasho kuna sheegeen in la iska hortaagay booqashadii jazeeradahan saacadiin iyo ceebaad ay waliba xaga Dawlada iyo madaxtooyada ay eedayn usoo jeediyeen arinkaa maxaad ka ogtatahay?
Xildhibaanku waxa uu su’aashaa uga jawaabay: Salaadiintu marka ay leeyihiin jazeerad ayaan soo eegaynaa joometara maaha anu hadaan idhaahdo hargaysa hotel wayn ayaan ka samaysanayaa Cida aan waydiisanayaa ma salaadiintaa mise waa maaayorka ?, waxa uu yidhi anigu waxaan hadalkaa u arkaa gaf walaalahayana waxaan leehay salaadiintayadii ayaad tihiin cuqaashayadii ayaad tihiin arimahaaas oo kale xasaasiyad ayay dadka ku kicinaysaaye arimahaaa dib uga noqoda.
Su’aal kale oo aa xildhibaanka waydiinay ayay ahayd bal waxaad nook ala cadaysa in la iibiyay jazeeradahan iyo in la maalgashaday?
Waxa uu sheegay inay tahay maal gashi oo nin ganacsade ah oo somalilanda ayaa ka dhisanaya ayuu yidhi Hotel casriya.waxa uu sheegay inay Deegaanka iyo degmada iyo dadkaba ay u dantahay maalgashigaas cid alla cidii noola timaada maalgashina mar labaad waan soo dhawaynayanaa ayuu yidhi xilddhibaanku.
Su’aal kale oo aan waydiinay Dadwaynihii ku dhaqnaa goboladan ee ay iyagu matalayeen waa ay kacsan yihiin , maxaad fariin ahaan aad ku dajinaysaan ee a umarinaysaan webkan?
Waxa uu ku jawaabay xildhibaanku :Dadka ka soo jeeda goboladaa waxaan leehay walaalayaal waxa laga kaco maaha, wax la siyaasadeeyo maaha waa wax inoo soo kordhay weeje qofka doonaya inuu maalgashado ee ka soo jeeda goboladan waxaa leenahay ku soo dhawaada jazeeradani waa ay balaadhan tahay ee horumar aan ku dadaalno.
Su’aalahaas iyo kuwa kale oo fara badan kala soco halkan hoose oo dhagayso
|