|
Written by boramanews
Tuesday, 29 December 2009 05:28 |
|
|
|
|
|
Miisaaniyada Puntland oo la Ansixiyey. Talaw waa Imisa? |
|
Garoowe(Bnn)- Golaha Barlamaanka Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyada Sanadka Cusub ee Xukuumada Puntland taas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadu.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda PL Dr Farax Cali Jamac ayaa maanta Xafiiskii ku qabtay shir Jara’id oo uu kaga warbixinayo Miisaaniyada 2009 2010 oo ay Barlamaanku ansixiyeen Maalinimadii shalay ahayd taas oo aan saxaafada loo ogalayn xiligaasi isla markaasna todobaad ka hor Barlaamaanka loo gudbiyay
Wasiirku waxaa uu sheegay in barlamaanku ay ansixiyeen Miisaaniyada 2010, 62 bilyan oo sh. Som ( lixdan iyo labo Bilyan oo Shilin Somali ah ) bishiiba , kadim markii ay barlamanku ay ka doodeen soona akhristeen,
Badnaanta miisaaniyada ayuu wasiirku ku macneeyay in ay sameeyeen labo miisaaniyadood oo uu tan hore ku tilmaamay mid tijaabo ah ayna noqotay 53 Bilyan oo sh. Som , balse ay ku guulaysteen miisaaniyadan hada barlamaanku ay ansixiyeen oo ah 62 bilyan sh.som oo ay Dowladu ay samaysay in ay canshuuraha ay ka qaado Meelo aan horay looga qadi jirin,
‘’lacagta hada Barlamaanku ansxiyay mahan mid Shaqale loo kor dhiyay mushahaar ee waxaa ay lacagtu ku baxaysa Arimo la xirira aminiga madama hadii aan amniga laga shaqayn aan canshuur la qaadi kari iyo sidoo kale arrimaha qabaa’ilada oo ay Dowladu xil iska saartay dhamaynta khilafadkooda, sidaas waxaa yiri Wasirka Wasarada Maliyada PL Dr Farax Cali Jamac’’
Waxaaa uu intaasi raaciyay wasiirku in ay ahayd miisaaniyadaani mid lagu noqday ka shaqaynteeda, isla markaasna ay noqonayso miisaaniyada Rasmiga ah ee ay Dowladu yeelanayso.
Waa Misaniyadii ugu Badnayd ee Barlamaanka PL ay Asnixiyaan tan iyo markii maamulka pl la asaasay 1998 dii .
|