|
Written by boramanews
Tuesday, 29 December 2009 05:53 |
|
|
|
|
|
Chaves oo ku eedeyey US iyo Colombia inay Wadaan Qorshayaal ka Dhan ah Venezuela |
|
Madaxweynah Dalka Venezuela Hugo Chaves ayaa ku eedeyey Maraykanka iyo Colombia inay qorsheenayaan sidii ay Xerooyin Jabhadu leedahay oo mala Awaal ah uga dhisi lahayeen Dhulka Venezuela si ay Xukuumadiisa u mijo xaabiyaan.
Isagoo ka hadlayey Telefiishanka ayuu Chaves sheegay inay jirto Qorshe Maraykanku taageerayo oo Colombia wado lana dooanayo in lagu hubeenayo Mucaaradka Colombia lana dajiyo Dhulka ay leedahay Venezuela, si dowladiisa loogu xumeeyo loogana dhigo mid taageerta Mucaaradka.
" Waxaanu haynaa Cadeemo muujinaya in Colombia oo ay taageerayan, hagayaan ama wadaanba Maraykanku ay diyaarinayso Qorshaha Mala awaalka ah" ayuu yidhi Chaves.
Xukuumada Cheves ee Venezuela iyo Xukuumada Colombia ayaa ku jira dagaal afka ah kadib markii Colombia u ogolaatay Ciidamada Maraykanku inay isticmaali karaan Madaarada Military-ga ee dalkeeda taas oo uu Chaves u arkay In lagu mijo xaabinayo dalkiisa.
|