HOT NEWS
Written by boramanews    Tuesday, 29 December 2009 09:40    PDF Print E-mail
Maxaad ka Ogtahay Dhambaalada Jacayl ee Waaray?

Waa qoraalo taxane ah oo aynu kaga hadli doono dhambaaladii jacaylka ahaa ee dunidan aynu kunoolnahay  mahadhooyinka ku reebay.


Dhambaalkan waxaa qortay gabadh yar oo udhalatay dalka Spain oo naafo ka ahayd qaybta danbe ee jidhkeeda, waxaa lugo u ahaa kursiga curyaamiinta oo alwaax kasamaysan. Gabadhan yar gurigooda waxaa hormarta wado dadku ay maraan xilliwalba ,gabdhan yari maadaama aycuryaan aan meel fog tagi Karin ay tahay waxay horfadhiisanjirtay guriga hortiisa halkaasoo dadka maraya dariiqa ay daawan jirtay,waxay caashaqday wiil kamida dadkii wadada goorwalba soo mari jiray.wiil kani waxa uu ahaa wiil aad ufilsan islamar ahaan taana ay ladhacday quruxdiisa iyo labis wanaagiisa. .wiilkan waxaa la odhanjiray Romana ,wiilkani waxa uu marka uu soo maraba si xushmadi ku dheehantay usalaami jiray inantan curyaamada ah.


Gabadhani maadaama ay jeclaatay wiilkan waxay bilowday fakar iyo talo inay rogrogto, waxaana ay istustay inaanay buuxinkarin rabitaanka Romano,maadaama waxa ay ragu dumarka ka rabaan aanay haynin iyadu, balseh waxay go’aan ku gaadhay inay dhambaalkeeda jacayl  ugudbiso iyada oo aan wax dan iyo hammi ah ugu jirin inuu ka aqballo  duruufaha rabaaniga ah ee jirta awgeed .hadaba erayadii ay gabadhaasii wiilkan u adeegsatay ayaa waxay noqdeen qaar mahadhooyin reebay waayo waxa ay erayo sixira ku tuurtay qalbigii iyo maskaxdii Romano.


Dhambaalkii ay uqortay waxa uu u dhignaa sida tan: “Hala yaabin Romanow in gabadh curyaamad ahi oo qaarka hoose naafo ka ahi ku jeclaato,waraaqna ay kuu soo qorto,haddii naafo aan jidhka ka ahay ogoow maskaxda iyo caqliga kama ihi,teeda kale kuguma diidani in xubinta taranku tahay tan ugu muhiimsan marka lasoo hadal qaado kalgacayl dhexmara wiil iyo gabadh, waayo jaceylka nin iyonaag kastaa waxa uu ku arooraa oo saldhigiisu noqdaa, falgalka gogosha aniguna taas taag uma hayo, waayo anigu dhinacaas naafo ayaan kahay, waxay seh Romanow ujeedadaydu tahay inaad maanka ku hayso in waa waayada kamid ah gabadh curyaamadii kuu hayso jaceyl dhaba.


Romanow waxaan intaas kuugu darayaa adigoo tix galinaaya duruufaha igu xeeran iyo qaybta ugu muhiimsan macaanka nolosha oo iga maqan fadlan igu xurmee jacaylka dhabta ah ee aan kuu hayo,igana ogoloow inaad gabadh kale guursato anigana aad ila gasho meher macaansi la’aan ah oo nolosha ila qaybsato adiga oo aan dharka iska siibin, kuna iimaanso qaddarka rabbaaniga ah, Romanow jacaylkana tix gali, habeenka aad ii soo  hoyonaysana Romanow salaanta dhunkashada leh igu kaalmee,subaxii marka aad baxaysana ii niyayso sagootinta kalgacalka leh, qosolka,farxada,iyo fara kaciyaarkana haygala bakhaylin,xilliga aad sariirta timaadana waxaan Romanow kaa codsanayaa inaad I niyaysato oo qudha.  Taasi ayaan Romanow kaga boganayaa jacaylka baaxada leh ee aan kuu qabo”.


Su’aashu  akhriste waxay tahay ma ka aqbalay jacaylkeedii mise kamuu aqballin? waxaynu kaga jawaabi doonaa qormooyinkeena danbe.

W/Q: Xamse Suldaan Aden Faarax.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Tell:4427272,ama 0014197129974.
Hargaysa