HOT NEWS
Written by boramanews    Tuesday, 29 December 2009 13:59    PDF Print E-mail
Golaha Wakiilada oo loo Qaybiyey Sharciga Baananka Islaamiga

Hargeysa(Bnn)- Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta Loo Qaybiyey Sharciga Baanka Islaamiga ah oo ay Dowladu usoo gudbisay.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo shir gudoominayay fadhigan maanta ayaa u sheegay in mudanayaashu muddo todobaad ah kaga soo baaraan degaan xeerkan qabyada ah oo ka kooban sideed cutub ka dibna Salaasada danbe goluhu ka doodo si loo ansixiyo.

Gudoomiyaha ayaa ku Wargaliyey Xildhibaanada inay si fiican usoo darsaan sharcigan oo muhiim u ah in la sameeyo Banan madax banaan oo ku shaqeeya Nidaamka Islaamiga ah wuxuna u sheegay Xildhibaanada in Salaasada Dambe laga doodi doono sharcigan.

Sharcigan oo ay soo Diyaarisay Xukuumadu ayaa loogu talo galay in lagu maamulo Nidaamka Baanka Islaamiga ah iyadoo aanay hore u jirin Sharci Toos oo la mid ah kan.

Gudoomiyuhu wuxu sidoo kale Xildhibaanada ku wargeliyey in Maalinta Bari ah ee Arbacada la dhageysan Doono warbixinta Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada kuwaas oo ka warbixin doona kulamadii kala duwanaa ee ay la yeeshayn Wasiirka Maaliyada iyo Saraakiisha Wasaaradaas.

Cabdirisaaq Sh.Cilmi Mixile
Bnn-Hargeysa