HOT NEWS
Written by boramanews    Tuesday, 29 December 2009 14:14    PDF Print E-mail
Xukuumadda Oo Qoyska Marxuum Fagadhe Kala Dooransiisay Laba Qodob

Alle haw naxariiste, waxa Axadii doraad la soo sheegay geerida Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa wakiilkii Somaliland ee dalka Faransiiska, kaas oo u geeriyooday xanuun uu muddo dheer cisbitaal Paris ku yaala ugu jiray.

Alle haw naxariste Marxuum Fagadhe, weli lama kala cadayn in Paris lagu aasi doono iyo in magaalada Hargeysa lagu aasi doono, waxaana jira warar sheegaya inuu ku dardaarmay in lagu aaso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Qoyska Marxuumka ayaa la sheegay inay xukuumadda ka dalbadeen inay bixiso kharashka duulimaadka ee maydka marxuumka lagaga soo qaadi doono dalka Faransiiska. Hase yeeshe ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xukuumadu goyska ku wargelisay inay qorshaysay in marxuumka lagu aaso dalka uu ku geeriyooday, balse haddii ay doonayaan in maydka la soo qaado ay iyagu [Qoyska] bixiyaan kharashka lagu soo qaadi doono maydka, taas oo ay qoyskuna si weyn uga cadhoodeen.

Qoyska Marxuum Fagadhe, ayaa ku jira shirar kala duwan oo ay kaga arrinsanayaan in maydka lagu aaso dalka Faransiiska maadaama ay xukuumadu bixin weyday kharashka lagu soo qaadi doono iyo inay qoys ahaan bixiyaan kharaska diyaaradda oo marxuumka la keeno magaalada Hargeysa, dabadeedna lagu aaso. Marka laga tago qoyska Marxuum Fagadhe, waxa jira saaxiibo badan oo reer Somaliland ah oo uu marxuumku lahaa oo dedaal ugu jira in maydka marxuumka la keeno Hargeysa, si loogu aaso hab maamuus qaran.

Marxuum Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa diblomaasi muddo dheer ku soo jiray siyaasadda iyo diblomaasiyadda gobalka Geeska Afrika, ayaa waxa uu ka mid ahaa baarlamaankii u horeeyay ee Somaliland, waxaanu mar noqday wasiirkii Arrimaha dibadda ee Somaliland, isagoo sidoo kalena wakhti dheer ahaa guddoomiye ku xigeenka KULMIYE, haddana waxa uu geeriyooday isagoo haya xilka safiirnimo ee Somaliland ee dalka Faransiiska.


Wargeyska Geeska Afrika