Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Xaflada Arday Ka Qalin-jabisay Jaamacada Hargeysa Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Lagu Bahdilay Xafladaasi Isagoo Cadhaysana....SAWIRO+VIDEO

j529-09-2013 (BNN) Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo ayaa kala qaybgalay ardayda Jaamacada Hargeysa farxada qalin jabinta,waxa uuna ku dhiirigaliyay in ay waxbarashadooda ka faa,iidaystaan halkaana kasii wadaan waxbarashadooda,Madaxweynaha ayaa ku hambalyeeyay guushooda waxbarasho,waxaana qalinjabiyay jaamacada Hargeysa 744 arday.
Sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga ucid faysal cali waraabe oo maanta ka qayb galay xafladii qalinjabinta ardayda jamacada hargaysa ayaa waxaa ka soo raacday bahdilaad iyo wajigabax kadib markii maamulka jaamacada hargaysa ay ku dari waayeen in uu hadal ka yidhaahdo munaasibadan aadka u balaadhnayd ee ahayd munaasibad farxadeed. 

Waxaa goobta loogu talagalay in ay fadhiistaan masuuliyiinta sar sare ugu soo hor fadhiistay gudoomiye faysal cali waraabe oo ahaa masuulkii ugu hor yimid xafladan maanta, waxaa intaa kadib goobta soo gaadhay gudoomiyahay kulmiye muuse biixi cabdi oo ahaa masuulkii labaad ee isna goobta yimid, intii aanu madaxwayne siilanyo aanu soo gaadhin madashan ay ardaydu ku qalin jabinayeen ayaa waxaa goobtii loogu talo galay in ay fadhiistaan madaxda ka dhacay gurxan iyo buuq waxaa lagu uruuray faysal oo lagu yidhi kusigan aad fadhido ka kac waa kii madaxwaynaha waxaa meesha ka dhacay is afgaran waa iyo in faraha la isku taagtaago, waxaa faysal cali waraabe iskugu yimid maamulka jaamcada, muuse biixi iyo wasiir sacad cali shire intaba waxaa ay doonayeen in ay meesha ka kiciyaan gudoomiye faysal isna wuu ka diiday, waxaa markii danbe goobta soo gaadhay madaxwayne siilaanyo waxaa uu fadhiistay kursi kale waxaa madaxwayne siilaanyo iyo faysal cali waraabe u dhaxeeyay oo dhexdooda la fadhiisiyay madaxwayne ku xigeenkii hore axmed yusuf yaasiin kadib markii ay meesha ay ka dhacday in wajiga la isa siin waayo oo laka waji dadbo waxaa dayr adag u kala noday masuuliyiintan mudane axmed yuusuf yaasiin, iyaga oo aan intii ay xafladu ay socotay aanay jirin wixii awal looga bartay masuuliyiinta muxaafadka iyo mucaaradka ah ee ahayd kaftankii iyo wado sheekaysigii la isku laab xaadhan jiray. 

Waxaa la bilaabay hadaladii loogu talo galay in laga yidhaahdo xaflada waxaa xaflada ka hadlay dad aad u tiro badan oo iskugu jira dad cadaan iyo madawba leh, waxaa kalmadii uu ka odhan lahaa meesha laga saaray gudoomiye fasyal cali waraabe, waxaa uu goobta ka soo baxay isaga oo habaartamaya faysal oo sii lahaa “meesha habaar ayaa yaala” hadalkan gudoomiyaha ka soo yeedhay ayaa ahayd xili uu madaxwayne siilaanyo uu gudoonsiinayay shahaadooyin qaar kamid ah ardayda jaamacada waxaa uu ka soo dhex baxay gudoomiye faysal isaga oo si wayn u cadhaysan.

Hargeysa
Xafiiska Wararka Boramanews 
j5
j4
j1
j3
j2j3