HARGEYSA:Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siiaanyo Oo La Filayo In Uu Maanta Safar Shaqo Iyo Mid Caafimaad Iskugu Jira Ugu Baxo Wadamo Dibada Ah

SIILAANYODHOOFAYA01-10-2013 (BNN) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ayaa la sheegayaa in uu maanta uu u bixi doono safar dalalka Turkiga iyo Ingiriiska,Xog ay warbaahinta Boramanews ka heshay xafiiska Madaxtooyada ayaa sheegaya in Safarka Siilaanyo uu iskugu jiro mid Caafimaad iyo mid shaqoba.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu booqan doono dhawr dal balse lama shaacin magacyada dalalkaasi,waxaana xogaha ka agdhow xafiiska Siilaanyo sheegayaan in uu mudo asbuucyo ah joogi doono dalka Ingiriiska oo uu mari doono baadhitaan caafimaad.

Madaxweyne Siilaanyo oo da,diisa inta lagaranayo lagu qiyaaso 87jir ayaa warbaahinta reer galbeedku ku sheegeen in ay hayaan xanuunada Macaanka iyo dhiigkarku,waxa ayna farta ku fiiqeen in uu Somaliland ku maamulo ishaaro,balse hawlaha inteeda badan ay gacanta ku hayaan qoyskiisa sida Xaaskiisa iyo wiilka uu adeerka u yahay ee  Mudane Xirsi Cali Xaaji oo ah ninka ugu awooda badan Somaliland maanta.

Lama Shaacin xiliga Siilaanyo soo laaban doono,iyo cida si ku meelgaadha usii maamuli doonta Somaliland,balse waxaa la filayaa in uu Madaxweyne Ku xigeenkiisu sii joogo Hargeysa waa haddii uu wasiirkiisa Madaxtooyadu sii raaco oo uu safarka ku weheliyo.e.

 

Cabdiraxman Suul

Baramanews /Hargyesa

Isha ku hay Boramanews.com