DAAWO : Maxaa Ka Jira Inuu Islaamay Majaajileystaha Caalanka (MR BEAN) Sida Weyn Looga Yaqaan Ee Ku Caanka Ah Ka Qoslinta Isagoon Hadal !! Iyo Hadal Heynta Inuu Qaatay Diinta Islaamka Ee Dunida Muslimka iyo Reer Galbeedka +VIDEO´S WARBIXIN

mr_been_oo_islamay05-10-2013 London (Bnn) Majaajaliistaha aamusan ee caalamka caanka ah islamarkana ay aduun weynaha si weyn u xiiseeyaan Rowan Atkinson oo ku magac dheer magaca MR BEAN ayaa waxaa jariiradaha ugu afka dheereeya ee caalamka Islamka iyo kuwa kaleba waxa ay tabinayaan hadal dhawaan uu sheegay Sheikh Rashid Ghannouchi oo ah saaxiib aad ugu dhow MR BEAN,

Hadalka Sheekha oo lagu daabacay Shabakad katirsan shabakadaha fadhigoodu uu yahay caalamul Islam ayaa waxa uu Sheekhu uu ugu tahniyadeeayay asxaabtiisa dhamaan in MR BEAN uu qaatay Diinta Islamka.

Qaadasha Diinta Islamka uu qaatay MR BEAN ayuu sheekha wuxuu ku sheegay in uu dhowr jeer daawaday muuqaalo lagasoo duubay Makkah AL Mukarama iyo Madiina Al Munawara ee uu ku duugan yahay Nabigeena Maxamed NNKH .

Hadaba marka laga yimaado hadalada la daabacay ee xigashada ah oo durba caalamka qabsatay iyadoo la sheegayo in maalintii doraad kahor uu qaatay Diinta Islamka ayaa hadana waxa aan wali waraysi uu si cad ugu cadeeynayo MR BEAN in uu qaatay Diinta Islamka aan lagasoo qaadin balse waxaa muuqata in MR BEAN uu qaatay Diinta Islamka maadama dunida caalamka ay horey sidaan oo kale uga hadashay qaadashadii diinta Islamka uu qaatay fanaankii lagu magacaabi jiray LOON oo aan isasoo shaacinin mudo sanad kadib isagoo kasoo hadlay markiisii ugu horeeysay dalka Saudi Arabia isagoo xiligaas sitoos ah uqaatay Diinta Islamka.

Si Kataba ha ahaate xaqiiqda warkaan ayay warbaahinta caalamka ka sugayaan Majaajilistaha caanka ah ee MR BEAN in uu caalamka utabiyo ama lagu arko muuqaalo ka gadisan muuqaaladiisi hore iyo xiriirka uu la sameeyn doono culimada caalamul Islamka.