BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

JUBA:Magaalada Caasimada Koofurta Suudaan Oo Wali Dagaal Kasii Socdo Oo Soomaaligii Ugu Horeeyay Ee Ganacsade Ah Lagu Dilay Iyo Sobobta Loo Dilay Iyamagaciisa Oo La Shaaciyay

mayd18-12-2013 (BNN) Wararka ka imaanaya Magaalada Jubba ee Caasimadda Dalka Koofurta Sudan ayaa sheegaya in Wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah ay Toogteen Ciidadan hubaysan, Wararka ayaa sheegaya in Wiilka dhalinyarada ah uu joogay Goob ganacsi oo xiligaas Xidhnayd hasayeeshee uu hor fadhiyay Marxuumka isla mar ahaantaana Ciidan hubaysan ay ka dalbadeen in uu dukaanka u furo si ay wax uga qaataan lkn uu Marxuumka ka shakiyay isla mar ahaantaana uu ku madax adeegay in uu Goobta furo isaga oo ka baqanayay in ay Boob ku sameeyaan.

Waxaana lagu soo waramayaa is maandhaafkaas kadib in Ciidankii hubaysnaa ay Rasaas La dhaceen Wiilka Soomaaliga ah ee Goobta Ganacsi joogay kaasoo Magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Maxamed Cali.Magaalada Jubba ayaa Maalmahan Xaaladeeda Amaan aad looga deerinayaa kadib markii Dagaal Hubaysan uu ka dhex qarxay Ciidanka Dowladda dhexdiisa oo kala taageersanaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen Horay Xilkaas looga Tuuray.

Madaxweynaha Dowladda Koofurta Sudan ayaa Bandaw Habeenkii ah kusoo rogay Madaalada Jubba, waxa uuna sheegay in ay ahayd waxii dhacay afganbi dhicsoobay.Dalka Koofurta Sudan oo Dowladd Cusub ah oo sanadki 2011 Sudan inteeda kale ka Go’day ayaa Waxa Ganacsata Soomaali ah tiro badan.

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 18 June 2013 16:03
Tuesday, 17 June 2014 15:52
Saturday, 18 January 2014 14:50
Monday, 06 January 2014 12:08
Wednesday, 21 August 2013 14:26
Sunday, 16 March 2014 12:18
Thursday, 16 January 2014 21:34
Thursday, 24 July 2014 10:26
Wednesday, 22 January 2014 07:55
Saturday, 12 April 2014 18:28