Addisababa;Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay In Ay Qabteen Shan Qof Oo Ku Luglahaa Shirqoolkii Qaraxyada Ee Fashilmay Bishii Oktoobar

Itoobiyabooliis20-12-2013 (BNN) Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay  inay shan qof oo kale  u qabteen weerarro qaraxyo ah oo la doonayay in lagu qaado ciyaar kubadda cagta ahayd oo dhexmaraysay xulkooda iyo xulkka Nigeria bishii Oktoobar ee sannadkan.Qorshaha weerarkan ayaa fashilmay kaddib markii laba qof oo Soomali ah,ay ku qaraxday ayna dishay bam ay ku farsameynayeen gurigooda oo ku yaalla xaafad ay aad u daggan yihiin Soomaalida ku nool Addis Ababa oo lagu magacaabo Bole.Hay’adda nabadsugidda dalka Itooboiya (NISS) iyo booliiska dalkaas ayaa warbixin wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegtay in labada qof ee dhintay ay ahaayeen Soomaali xidhidh la leh Xarakada Al-shabaab oo ka dagalaanta gudaha Soomaaliya.

Labo nin oo qorshaynayay in ay shirqoolaan oo ay isku qarxiyaan xaflad loogu dabaaldagayay guulo kooxda kubadu kasoo hoysay wadamo dibada ah ayaa uu ku qarxay bamkoogii.Saraakiisha booliiska Itoobiya ayaa sheegay in shantan qof lagu helay bam kuwa gacanta ah, baadhitaan dheer oo lagu sameeyay kaddibna la ogaaday in ay qayb ka ahaayeen labadii qof ee bamku kula qarxay Addis Ababa.

Warka laguma sheegin xilliga lasoo qabtay eedeysanayaashan iyo halka lagu hayo midna, waxaase lagu xusay in baadhitaano  dheeraad ah lagu hayo shantan ruux.Dowladda Itoobiya ayaa sannad ka hor ciidamadeeda milateriga ah u dirtay gudaha Soomaaliya si ay gacan uga siiyaan dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab oo xilligaas ka talinaysay inta badan gobollada Soomaaliya.Al-shabaab iyo Itoobiya ayaa marar badan hawada isku mariyay hanjabaado,isla markaana waxaa shirqoolkani looga shikisan yahay kooxda Alshabaab.

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 16 January 2014 00:16
Saturday, 18 January 2014 19:05
Wednesday, 13 November 2013 17:13
Thursday, 21 November 2013 04:06
Saturday, 12 July 2014 18:25
Sunday, 07 September 2014 00:17
Friday, 25 April 2014 13:03
Tuesday, 06 May 2014 02:28
Monday, 10 March 2014 14:16
Sunday, 20 July 2014 11:59