DAAWO SAWIRRADA : Soomaaliya Oo Markii U Horeysay Ka Qeybgalaysa Tartanka Ciyaaraha Barafka Aduunka Oo Lagu Qabanayo Bilowga Sanadka Cusub Dalka Ruushka

21-12-2013 Stockholm (Bnn) Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ay ka qaybgaleysaa tartanka horiyaalka  ciyaaraha qaboobaha/ barafka ee sannadka dambe ka dhacaya dalka Russia.

Kooxda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay tababbar fiican ku qaateen magaalada Borlänge ee dalka Sweden halkaasoo ay ku soo bandhigeen diyaargarow fiican.

Mr, Mursal Ciise oo kaashanaya  Patrik Andersson ayaa bilaabay qorshaha sameynta barnaamijkan maadaama dhalinyarada Soomaaliyeed loo arkay in ay kaalin mug leh  ka qaadan karaan barnaamijyada horumarineed iyo is dhexgalka.

Barnaamijkan waxaa door weyn ka qaatay ninka tababaraha kooxdan oo ah nin Sweden caan ka ah oo la yiraahdo Per Fosshaug oo billado dahab ah oo caalami ah u qaaday, waxaana kaaliye u ah Mr. Cusmaan Xasan oo runtii u dhabar adeygay inta ay tababarka ku jiraan

Ciyaartoydan waxay ka qayb gelayaan Tartanka Horyaalka Ciyaaraha Adduunka ee Qaboobaha 2014ka oo lagu qabanayo magaalada Irkutsk ee dalka Ruushka inta u dhexeysa 27ka janaayo ila 2da bisha feberaayo 2014, iyagoo matalaya Qaranka Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay oo koox ajnabi ah ama Afrikaan ah ay ka qayb galaan tartan noocan ah.

Soomaali badan oo ku nool dalka Sweden iyo qaaradda Yurub ayaa sheegay in rajo weyn ka qabaan kooxda Soomaalida in ay guulo la taaban karo ay ka soo hoyaan tartanka cayaaraha barafka ee ka dhacay dalka Russia.
1sborlange1sborlange1sborlange1sborlange

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 17 November 2013 17:08
Tuesday, 31 December 2013 06:19
Saturday, 19 April 2014 07:53
Wednesday, 23 July 2014 11:02
Thursday, 03 July 2014 09:28
Tuesday, 08 April 2014 23:04
Tuesday, 18 March 2014 13:42
Tuesday, 22 April 2014 11:57
Saturday, 19 April 2014 09:23
Friday, 13 December 2013 05:40