BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BULSHOWAYNTA G/GALBEEDKA S/LAND OO HALMAANSAN HANKOODU WUXUU AHAA.

 Maqaal1Marka hore waxa mahada  iska leh rabiga ruuxda inagu abuuray (SWT) Marka xigta waxan u Mahadnaqayaa Saxafada mihnadeed Saxaafadeed  sida fican ee cadaaladu ku jirto u gudata  Marka xigta waxan si gaara u salamaya bulshada sharfan ee G/Galbeedka S/land   intaa haddii aan kaga baxo Guudmar Salaned iyo Mahadnaq oo aan u Gundo dago Gundhiga  aan uga gol leehay qoraalkan isaga ah .
 
             Waxa ay ka heshiyan axsaabta qaranku sida aan la wada socono khilaaf dhaxdooda mudooyinka yaalay oo ku salaysnaa waxay ugu yeedheen Dood Qaran ama Talo Qaran waxan  
waxay ku heshiyan  waxa ka mid Sadexda xisbi qaran markii ay hadleen raga Hogaamiya  muusi biixi wuxu  yidhi isagu  waa wada tashi qaran oo lagaga hadlayo sidii Dimuquraadiyada loo dardar galin lahaa iyo Arimaheena Dibada faysalna waxa uu yidhi waa  22 sano markii u horaysay ee S/land wada hadal u fadhistan Siyaasiyeenteedu ee ay is waydiiyaan maxaa inaga qaldan cirana waxa uu yidhi maxamed kaahin iyo musi biixi ayaan mahadnaqaya waxanina waa dan guud  meesha wax badan ayaa ka muqda  siyaasi reer Awdal ah oo halkaa ku jiray oo aan xusi Karo ma jiro waxan yara maqlayay nin ay ku magacaabayeen gudoomiyaha Acedemyada kaasna isaga ayaaban misan culus ku lahayn dadkisa mida kale isaga waa nin kaliya hawl fududeeye ah laakiin waxa is waydiin leh aaway siyaasiyiintii reer awdal maanta ayay ugu dhawdahay  in dadka reer awdal ka hadlaan cadkooda ama saami qaybsiga raga is haya nin so hadal qaaday ma jiro  wax awood qaybsiya  ama saami qaybsiya waayo wax ka maqan iyaga ma jiro


waa inaga maanta dadka wax ay ka maqanyihiin halkee ayay reer awdal joogaan waar xataa haddii maanta la bilaabo wado noocaasa oo aan gorgortan galno mar uunbay midho dhali doontaa laakiin bulshadeeni waxa maanta lagu mashquuliyay nin lagu magaacabay Awdalstate ayuu maxadwayne ka ahaa iyo wax la mida dadkii wada dhashay ayaa miino kala fogaysa lasoo dhax dhigay inagu kann borama yimid ee aanan la garanayn wali haddaa miisan aw leeyahay iyo meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo ayaan ku mashquulsanahay qaar soo dhaweeya qaar ku mudaharada inagii ayaa intaa u kala baxnay laakiin ma ogin  xaqiiqdu waxay tahay inaan dadkan aan meesha wada dagno aan la gorgortano aan wax is waydiino oo aan cadkeena qaadano inagoon cidna u dabafadhisanayn wali nu uma bislaan Siyaasadaa iyada ah ayaan filayaa wali inaga ayaa isku masquulsan  Hurdada aan ka kacno waxna  aan is waydiino  halka ay iyagu kaga dhawaaqeen dooda qaran waxa inagana inala gudboon maanta dood Samaroon   oo aan bal horta aayaheena aan kaga tashano si aan bulshada inagu xeeran uula noolan karno Xaqeenana aan si buuxda u helno 
           Guntii iyo Gabogabadii waxan ku talin lahaa inaan fadhigan fadhi dhaama uga noqon somalidu waxay ku maahmaahdaa nimaan hadal habartii qadisay ama hooyadii qadisay  walalayaal xaglo duuban xoolo kuma yimaadan sida aan u aamusanahay uunbaa bari qorshe kale la inagu soo  dul saari markaa uunbaan sideenii Mudaharaydnaa oo aan odhanaynaa kuma jirno kama dhax muuqano waar hadda an is garano ayaan leehay Dadkaygoow.
                    
               Ballanteenu waa Hami fog & Hiigsi Dheer. 
              Ballanteenu waa  Hanwayn & Himilo Dheer .
              Ballanteenu waa Horumar &Barwaaqo.
                         Mohamed Mahamoud Shirdon .
                        Email Address:Awdal04@hotmail.com
                               Wabillaahi Tawfiiq.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 14 January 2014 14:23
Monday, 23 June 2014 17:20
Friday, 07 February 2014 11:45
Friday, 06 December 2013 15:42
Sunday, 27 April 2014 19:22
Thursday, 03 October 2013 20:17
Friday, 27 September 2013 17:09
Wednesday, 16 July 2014 16:10
Monday, 26 August 2013 18:05
Friday, 08 November 2013 05:18