BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

MUQDISHO:Dhakhaatiir Kale Oo U Dhalatay Dalka Siiriya Ee Ka Badbaaday Weerarkii Lagu Dilay 4 Dhakhtar Oo Maanta Ka Dhoofay Muqdisho Iyo Arday Mudaharaday

diyaarad22-12-2013 (BNN) Dhakhaatiir la socotay dhakhaatiirtii dhawaan lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho ayaa saaka ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Garoonka Muqdisho waxaa kusii sagootiyay dhakhaatiirtaan dhaqaatiir Soomaali ah gaar ahaan Agaasimaha Isbitaalka Fiqi ee Muqdisho Dr C/raxmaan Macalin Fiqi.
Mid kamid ah dhakhaatiirka saaka ka dhoofay Muqdisho waa uu dhaawacan yahay, halka midka kalena uu yahay mid caafimaad qaba.
Dr C/raxmaan Fiqi, ayaa sheegay in dhaqaatiirtaan ay saaka ku dhaweeyeen Garoonka Muqdisho, kadib markii saaxiibadooda lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho.
Dr Maahir Xuseen oo ka mid ah dhaqaatiirta u dhalatay dalka Suuriya islamarkaana ka howlgalayay isbitaalka Fiqi oo isna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in markii hore dalkani Soomaaliya ay u soo gurmadeen haddana lagu dhibaateeyay aynan cabsi galineynin, islamarkaana dalka ay ku soo noqon doonaan oo ay sii wadi doonaan adeegyada caafimaad ay dadka Soomaaliyeed u hayeen.
Qaar kamid ah ardayda Jaamacadaha Magaalada Muqdisho ayaa afaafka hore ee Garoonka Muqdisho ka dhigay banaanbax ay kaga xun yihiin bixitaanka dhaqaatiirtaan iyo dilkii loo geystay saaxiibadooda.
18-bishan ayeey aheyd markii dhakhaatiir ukala dhashay wadamada Suuriya iyo Soomaaliya lagu dilay Magaalada Muqdisho oo kooxo hubaysan ay dileen, iyadoo ilaa hada aysan jirin cid loosoo qabtay dilka dhakhaatiirtaasi.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews
 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 21 August 2013 14:26
Saturday, 15 March 2014 22:42
Tuesday, 28 January 2014 00:43
Friday, 17 January 2014 20:41
Tuesday, 24 December 2013 22:32
Saturday, 24 August 2013 13:46
Saturday, 09 November 2013 20:45
Tuesday, 11 March 2014 09:49
Sunday, 23 February 2014 11:37
Wednesday, 21 August 2013 15:18