BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Burco Oo Caawa ka Mudaharaaday Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Togdheer Oo La Badalay Iyo Dhalinyaro Ka Gadoodsan Oo Mudaharaad Rabshado Wata Ka..

BURCO_HABEBurco (Bnn) Magaalada Burco, ayaa waxa Caawa isugu soo baxay dhalinyaro tiro badan oo ka gadooday Bedalaada lagu sameeyay Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Togdheer, Axmed Cabdiraxmaan Xasan (Ilka Casse), kaasi oo bedalay Taliyaha guud ee Ciidamada Boolisku.

Dhalinyarada gadoodka sameeyay oo isugu soo baxay suuqa dhexe ee Magaalada Burco, ayaa la sheegay inay ku dhawaaqayeen weedho ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin isla-markaana uga soo horjeedaan bedalaada lagu sameeyay Taliyaha qaybta booliska Gobolka Togdheer.

Dhalinyarada oo in muddo ah waddada Wadnaha ee Burco xidhay, ayaa waxa la hadlay isla-markaana ku qanciyey inay kala dareeraan Waxgarad iyo odayaal reer Burco ah, kuwaasi oo ku waaniyey inay kala tagaan, hase yeeshee waxa la sheegay in qaarkood ilaa hadda wadaan dhaqdhaqaaqyo Mudaharaad oo kale ah, inkasta oo aanay wax qas iyo fowdo ah oo boolisku ku farogaliyo aanay samaynin.

Taliyaha ciidamada booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal iimaan, ayaa la sheegay inuu isku shaandheyn ku sameeyay Taliyayayaasha ciidamada ee Gobollada dalka, kuwaasi oo uu ku jiro Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Togdheer

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 16 June 2014 01:24
Monday, 30 September 2013 06:00
Monday, 14 October 2013 19:32
Friday, 22 November 2013 19:34
Thursday, 07 November 2013 22:29
Friday, 18 April 2014 03:04
Sunday, 22 September 2013 03:29
Monday, 03 March 2014 12:41
Friday, 06 September 2013 12:01
Friday, 18 October 2013 11:42