BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HARGEYSA:Kulan Dheer Oo Ay Yeesheen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudoomiyaha Akademiyada Nabada Cabdiraxman Aw Cali Oo Lagu Gaadhay Go,aan Cusub Oo Taageeraya Qabsoomida Shirka Talo Qaran

SIILAANYOiyo_ina_awcali23-12-2013 (BNN) Maamulaha Akadeemiyada nabada ee Somaliland Cabdiraxman Aw Cali Faarax ayaa xalay kulan dheer kulan dheer kula qaatay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo qasriga madaxtooyada,Warar ilo lagu kalsoon yahay kasoo baxay oo xafiiska Boramanews helay ayaa sheegaya in kulankaasi Cabdiraxman Aw Cali uu Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in uu sharaxaad ka bixiya waxa keenay gocashada oo xukuumada iyo xisbiga Kulmiyeba isku badaleen oo ay u diideen heshiiskii sadexda Xisbi gaadheen.

Kulankaasi ayaa labada masuul diirada ku saareen sidii loo soo afjari lahaa wixii shaki ah ee ay qabaan kooxda Kulmiye ee ka maagtay heshiiskii ay lagaleen xisbiyada mucaaradka ee shirka Talo qaran.

Warku waxa uu sheegayaa in Cabdiraxman Aw Cali ka dhaadhiciyay Madaxweyne Siilaanyo in uu ogolaado shirka talo qaran,isla markaana Madaxweyne Siilaanyo ayaa u sheegay Cabdiraxman Aw Cali in ay Akademiyada nabadu sii wado dadaalkooga isla markaana ay iskukeenaan xisbiyada oo heshiiskii lawada gaadhay ay kaalintii Akademiyada halkeegii kaga aadanaa ay sii wado.

Cabdiraxman Aw Cali ayaa wargaliyay xisbiyada Mucaaradka in Kulmiye gocashadii dib uga laabteen oo go,aankii heshiisku halkiisii yahay,isla markaana Akademiyada Nabadu tahay madasha shirka dhexdhaxaadinaysa.

Isbadalkani ku yimiday Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo ayaa meesha kasaaraya hadal isbadal ah oo kasoo yeeshay Afhayeenka xukuumada iyo hogaamiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.

Cabdiraxman X.Xasan

Hargaysa/ Boramanews Office

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 15 October 2014 08:10
Saturday, 09 November 2013 05:41
Friday, 20 September 2013 20:20
Friday, 08 November 2013 04:46
Monday, 17 June 2013 16:53
Monday, 28 October 2013 00:08
Friday, 20 September 2013 13:26
Wednesday, 05 March 2014 00:55
Friday, 27 September 2013 03:22
Saturday, 23 August 2014 08:07