BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HARGEYSA:Prof Axmed Ismail Samatar Oo La Filayo In Uu Hargeysa Gaadho Maalmo Yar Kadib Iyo Madaxtooyada Oo Sheegtay Maalinta Uu Hargeysa Imanayo

PR0F_SAMATAR23-12-2013 (BNN) War Boramanews International ka heshay Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo isku diyaarinayo soo dhawayn loo samaynayo Prof Axmed Ismail Samatar oo maalinta 26-12-2013 kasoo dagi doona Madaarka Hargeysa.

Prof Samatar ayaa la filayaa in uu joogo Somaliland mudo 20 cisho ah,waxa uuna la kulmi doonaa hogaamiyayaasha bulshada iyo siyaasada ee Somaliland.

Safarka Prof Samatar ee Somaliland ayaa noqonaya kii labaad ee uu Somaliland ku tago kadib markii uu ka astaqfurulaystay siyaasadii Somaliwayn oo uu sanado badan uu riixayay.

Dadka ka faalooda arimaha bulshaduna waxa ay Boramanews u sheegeen in Pro Samatar uu sidii qof caadi ah uga soo degi doono Madaarka Igaal Airport.

Prof Samatar ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo ku qabto jaamacadaha Somaliland,isla markaana ardayda Somaliland su,aalo ku wayndiin doonaan.

Cabdiraxman X.Xasan

Hargeysa/Boramanews

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 17 February 2014 11:23
Saturday, 19 October 2013 13:23
Wednesday, 22 January 2014 11:40
Monday, 12 August 2013 20:35
Friday, 27 December 2013 00:14
Friday, 07 March 2014 08:11
Saturday, 01 March 2014 20:06
Friday, 06 September 2013 02:46
Friday, 06 September 2013 20:02
Friday, 22 November 2013 20:55