BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

LONDON:Dukaanka Wayn Ee Caanka Ah Ee Marks & Spencer Oo Ku Yaala Dalka Ingiriiska Oo Shaqaalihiisa Muslimka Ah Awood Usiiyay In Ay Diidi Karaan Iibinta Khamriga Iyo Khinsiirka

M_and_S_wine_2772880b23-12-2013 (BNN) Dukaanka wayn ee caanka ah ee Marks & Spencers oo 700 dukaan ku leh dalka Ingiriiska ayaa soo saaray sharci cusub oo dhigaya in shaqaalihiisa Muslimiinta ah ee dukaanadaasi ka shaqeeyaayi dooran karaan in ay diidaan  oo ay faraha lagalin ama macaamiisha ka caawin waxyaalaha diinta islamku xaaraantimaysay ee dukaanadaasi lagu iibiyo.

Mulimiinta shaqaalaha ah ayaa ruqsad loosiiyay in ay diidaan Khamriga iyo Khinsiirka in ay ka iibiyaan ama u qaadaan macaamiisha.Arintani ayaa la sheegayaa in ay maamulayaasha dukaanadaasi daraasad kadib ay ils aqaateen.
Afhayeen u hadlay dukaankani ayaa sheegay arintani in aysan ahayn waxwayn balse caadi tahay in qofka diintiisa ixtiraamaya uu diido waxyaalaha diintiisu xaaraantimaysay taasi baana qaadanay ayuu yidhi.Isagoo u waramaya The Telegraf

Go,aankani ayaa farxad wayn u tahay dhamaan shaqaalaha Muslimiinta ee dukaanadaasi ka shaqeeya sidoo kalena waxaa hubaal ah in dad badan oo muslimiin ahi xiisayn doonaan in ay shaqo karaadsadaan dukaankaasi.
Cumar Diiriye
Boramanews/London
M_and_S_wine_2772880bmarks_spencer--621x414

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 22 October 2013 08:17
Saturday, 12 October 2013 15:58
Monday, 16 December 2013 12:08
Tuesday, 31 December 2013 00:31
Thursday, 12 December 2013 19:06
Tuesday, 08 April 2014 01:04
Saturday, 09 November 2013 19:50
Sunday, 04 May 2014 05:01
Monday, 19 May 2014 11:27
Monday, 28 April 2014 18:03