BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

MA,ANIGAA GARAN WAAYAY GEELA DOOFAARKU LAAYAY BY SHIRDOON

maqaal
                                                    Marka hore waxa Mahada iska leh ALLAH (SWT) ina Abuuray Nafaheena Qaaliga ah Amaanada inooga Dhigay .
 
                                                    Marka xigta waxan halkan ka Salamaya Guud ahaan Shacabka S/land  Gaar ahaan inta aan isku Dareen nahay Marka Xigta waxan si gaara u  Salamaya Saxafada S/land inta sida Saxda ah Umada ugu Adeegta iyada oo ay ka Reebantahay Nin jeclaysi iyo Qaraabo kiil  Dhamaantood waxan ku Salamaya Salaanta islaamka   ASALAMU CALAYKUM WARAXMA TULLAAHI TACALAA WABARAKATU .
 
                                                Waxa aan Jeclaystay inaan ka Hadlo ama uu Maqaalkan Isaga  ah  Daaranyahay intii Garashadayda ah Hadalkii kasoo yeedhay ama uu yidhi Muse Bixi  iyada oo aan nu wada ogayn inay Saddexda Xisbi Qaran ka wada Heshiyeen iyada oo ay waliba Qayb ka tahay Akadamimiyada Qaranku.
 
                                                Akhristayaal inta aanan u Galin qoraalkan isaga ah ila yara wadaaga Sheekadan iyada ah .
 
                                            Oday ayaa waxa uu Aabo u ahaa Gabadh  Madashu  waa Baadiye Mudaduna waa Qarnigii 19 Dhaxdisi  Xaafada Odaygani waxa ay leedahay tiro Geella Geela waxa illaalisa oo maalintii Doontaa ama Raaci  ka ah waxa weeyi Gabadha aw Odaygani isaga Aabaha  u yahay  waxa Dhacday  Maalin  Maalmaha ka mid ah Gabadhii oo Geella ilaalinaysa inay kulmaan Wiil oo ay noqdaan Sheeko wadaag Dabadeedna ay is Fahmaan kuna Heshiiyaan Guur iyo inay  Guri yagleelaan  waxa Dhacday inay ku Heshiyaan isla Habeenkan kusoo Foolka leh inuu Inanku Guriga inanta yimaado Isaga oo uuna Odaygu ogayn Dabadeedna sidaa ay isku Raacaan Intiina Dhaqanka sida fican ula socotaa Mudooyinkii qarnigii 19 Dhaxdisa ilaa imika Dhulka qaar waxa ka Dhaca Gabadh  in Habeenkaa Gurigooda si Qarsoodiya looga kaxaysto iyada oo ayna ogayn Qoyska intiisa kale waana Dhaqan soo Jireene oo Badiyaa ka Dhaca Dhulka Baadiyaha  ah walaw ay Imika soo yaranayso Dhulka Qaarna ka Dabar go,dayba iyada oo la yidhaahdo Sheekooyinka noocasi marka ay dhacaan Heblaayo xalay waa la Qaaday oo ay micnaheedu tahay Heblaayo xalay waa lala baxay dabadeedna waxa dhici jirnay sida Caadada ahayd  in la isku soo Geed Fadhiisto oo ay Qoladii  Gabadh Qaadatay ay yidhaadaan Gabadha iyada ah noo Guuriya daba Dabadedna si Sharaf iyo Karaamo ku jirto is Nacayb iyo is Hiifidna Kaba Madhantahay in Gabadhii Gacal iyo Xigaalba loo kala Gudoomo markaa aan usoo noqdo Sheekadeeniye waxa Dhacday Gabadhii markii ay Habeenkii Geelii soo hoysay inay Weedho aan lagu Aqoon lasoo baxday iyada oo ku Dhawaaqaysa Weedho odhanaya (Cadadu Cadaa oo Nin la Raaco lahaa) .
 
                      Iyada oo is Sarbeeb ah ugu Dhigaysa Aabaheed misana aan Jeclayn inuu Dareemo Inantisa waxa lasoo Darsay waxa ay  Niskii  ama galinkii hore Habeenkii sidaa ku Dibaaqdaba waxa Dhacday markuu Odaygii Aabaha u ahaa Indhaha is yara galiyay misana Hurdo Baadi Goob Maankisa Galiyay  ayaa illayn waa Gabadh Hadahan Raagsatay Odayga soo Jeedkiisa Anbabax ayay isku Diyaarisay iyada oo Garabka ka raaxday ninkay Maalinimadii Geella  markay la joogtay wax isla meel Dhigeen .
                                   
                                         Odaygii Dagane  markii uu subaxdii Baraarugay ee uu Inantiisii  ka waayay Xaafada uu Subaxa Horeba Isha aw ku Dhufan jiray ayaa waxa uu Dareemay inay Xalay Hadaladay ku Tiraabaysay ahaayeen kuwo Iyada ku Wajahan misana Markasuu ku ciil wac wacay Weedha Magac baxdee Tidhaahda (Ma anigaa Garan waayay Geela Doofaarku laayay). 
                                      
                                   Hadaba haddii aan usoo noqdo Qoraalkeenu waxa uu Daaranyahay.  
21/12/13 ayay ahayd markuu Muusi Biixi sida Fiinta uga Qaylyay heshiiskii ay Gaadheen iyaga  oo ah Xisbi Xaakimkii,labada Xisbi Mucaarid iyo Akadamiyada Qaranka oo Doodaa Dhaxdhaxaadinaysay  Akhristayaal bal si Buuxda oo uu Dareen ku jiro u Dhadhamiya Hadalada uu Muuse  Biixi Afka ku kala Qaaday isaga oo ah waliba Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka hadda Dalka ka taliya ( Waxan kusoo Heshinay Shirkii Burco iyo kii Borama ma aha wax la Badali Karo wax gorgortan laga gali karana Maaha waa waxa aan  kusoo Dhaqmaynay 22 sano ee Jamhuriyada S/land jirto  wax ka Badali karaana ma jirto wax Dib loogu Noqonayaana ama Dib u Eegis lagu Samaynayaana ma Jirto ).Haye halkaa maxaa iniiga Baxay  Dadka ila Dareenka ahaw   Nin Ragi waa Garan hadalka wuxuu Daaranyahay Doqona loo Sheegi maayo .There is Some Thing meesha iyada ah wixii ku jira  waan Dareensanahay  Muuse hadalka uu Xasaasiyada ka Qaaday ee  uu ka Jidhidhicooday waxa weeyi hadalkii kasoo baxay Faysal Cali Waraabe ee ahaa in Saami Qaybsiga la isla eego   Qolo  Walbana Meeshi Cuncnunaysa in loo Xoqo weeyi Inkastoo Hadalkaas aw ahaa Halhayskii illaahay Cimrigisa ha Dheereeyee Pro Ahmed Isma,il Samatar    waxba ka Gaaf wareegi maynee hadalka uu Muuse ka Gubtay ee Gubay sidii Shidaal meel kayna Qabsaday waxa weeyi ee Runta Biyo kama Dhibcaanka ah waa Saami Qaybsiga lasoo hadal Qaaday ama Dasduurka la yidhi dib ha loo eego waliba haday Macquul tahay ayaa ka mid ahaa Hadalada ay isla Afgarteen .
 
                                  Hadaba waxay Akhristayaashu is Waydiinayan maxaa kala galay Sheekada  Ciwaanka u ah Maqaalka isla mar ahaantaana Dhaxtaalka u ah iyo Muse Biixi iyo G/galbeedka Somaliland    waxa kala Galay haddii aan Xusno ama is Waafajino  S/land iyo Xuquuqda ay G/galbeedka Somaliland ku Leeyihiin  ama cadka ay ku leeyihiin waa Inantaa Odaygii  Aabaha u ahaa Habeen Madaw lagala baxay .
G/galbeedka Somaliland waa Odaygii oo wax  alla wax allaw  Dareensanyihiin ma  jirto
Ninkii gabadha la Baxayna waa Beesha Dhexe oo Xaqii ay Dad lahaayeen si cad u Maamulaya Cidina waxba ka Waydiinayn . 
                         waxa wax lala Yaabo ah oo in Badan laga Xishoodo inay Beesha Dhexe ay sidii Dawlaha hore u maray ay Iyagii Qaarna ay kaa Doodayaan Adiga Qaarna ay ku Tusayaan Fikir yar oo Gaaban laakiin Qofka Garashadiisu sidaa ayna usoo Fogayn u Qaadan Karo in Isaga loo Doodayo .
 
                           waxan leehay Dadka Reer Awdal waar Intaynaan nuku Sifoobin Odaygaa inantisa laga qaatay waxa aan Xaq u leenahay aan si wada jir ah u badi Goobno aan iska Dhaafno waxani ay Sakaro ka bisan ee Dib inoo Dhigay 
               Mise sheekadu waa (Ma aniga Garan Waayay Muse Dastuur ka Qayliga).
 
                              Guntii iyo Gabagabadii waxan leehay noqda Dadkaygaw  DadDareen Fog leh Noqda Dadkaygow Dad aan waxba lagu Dul Shaxine iyagu wax ku Dul shaxa Noqda Dadkaygow Dad iksu Damqada Noqda Dadkaygow Dad Damiirkoodi wax Diidi Karo waxna Dooni Karo Noqda Dadkaygow Dad wax walba oo Wanaagsan ka Midaysan wixii xuna  meel uga soo wada Jeesta Noqda Dadkaygow Dad aan marna lasoo Dhax Galin  oo aan la Qaybin Karin noqda Dadkaygow Umada Siyaasada Horu mar Buuxa ka Samaysa .
 
                       Ugu Danbayn aan isla Eegno aanan Isla Qirno Waar Maanta Halkee ayaan nahay Halkee ayaan naalnaa aan is tusno Xaqiiqdu waxay tahay Markaas ayaan Guul Gaadhi Karnaaye.
 
                                                  Guul &Gobanimo.
 
                                                  Wabillaahi Tawfiiq.
 
                    Mohamed Mamahoud Shirdon
 
                   Email Adress:Awdal04@hotmail.com
 
                                            Switzerland.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 02 May 2014 16:10
Sunday, 13 July 2014 12:47
Thursday, 20 February 2014 10:05
Saturday, 26 April 2014 03:53
Thursday, 17 April 2014 16:42
Tuesday, 12 August 2014 20:13
Sunday, 08 June 2014 07:16
Saturday, 17 May 2014 10:31
Saturday, 13 September 2014 18:02
Sunday, 18 May 2014 18:09