BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

War Saxaafadeed Ka Soo Baxa AMISOM Oo Raali Galin Kaga Bixisay Shil Labo Qof Ku Dhinteen Oo uu Galay Mid ka Mid ah Gaadiidkooda

amisooos23-12-2013 Muqdisho (Bnn) War-saxaaafaeed ka soo baxay xafiiksa Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan how galka AMISON ee Soomaaliya Ambassador Mahamad Saleh Annadif ayaa lagu muujiyay sida uu uga xun yahay dhimashada labo qof oo isku qoys ahaa isla markaana raali gelin ka bixiyay, kadib markii uu dar-daray gaari ay lahayeen AMISON.

Shilkan ayaa dhacay maalintii Jimcada ahayd oo ku beegnayd 20-ka bishan December markay ahayd saacadda geeska Afrika 5.45 pm,isla markaana ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Labada nin ee gaariga jiiray ayaa la socday mooto,waxaana goobta ku dhintay mid ka mid ah, halka kan kale uu dhintay intii loo waday isbitaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay ergayga.

..Waan ka xunnahay shilkaasi, waxaana ka raali gelinaynaa qoyskii qasaaraha ka soo gaartay arintan ayuu yiri Ambassado Annadif , isagoo intaasi raaciyey in wadihii gaariga uu shoogay

Annadif ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan ciidamada ilaalada wadooyinka iyo kuwa boolik Soomaliyeed sid loo hubiyo ama looga hortago shilalka noocaan oo kale mustqabalka

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 18 November 2013 19:17
Wednesday, 28 May 2014 16:42
Tuesday, 17 September 2013 02:25
Wednesday, 11 December 2013 23:42
Tuesday, 08 April 2014 14:04
Wednesday, 22 January 2014 23:03
Wednesday, 22 January 2014 13:05
Sunday, 30 March 2014 22:06
Wednesday, 07 August 2013 04:33
Monday, 26 August 2013 00:59