BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BURCO: Mudaharaad Balaadhan Oo Sobabay Dhimasho iyo Dhaawac Kuna Fidaya Magaalada Burco Oo Socda Tan iyo Saaka ...

mudaharaad_dhimanasho223-12-2013 Burco (Bnn) mudaharaad saaka mar kale ka curtay magaaladda Burco ayaa wararka ka soo baxayaa ay sheegayaan in laba Qof ku dhinteen laba kalena ku dhaawacmeen, iyadoo uu mudaharaadku sii xoogaysanayo, isla markaana dadweynuhu gadoodka sii xoojinayaan.

Agaasimaha Cisbitaalka Burco C/qaadir Muruq Liqe u xaqiijiyey Hal qof dhimashadiisa iyo laba dhaawac ah, halka qof kale oo aan illaa hadda la xaqiijina la soo sheegayo dhimashadiisa.

Xaalada Burco ayaa u muuqata mid mudaharaadayaashu ku sii fidinayaan qul qulatooyinka ay bilaabeen xaafadaha magaaladda kaasoo ilaa xalay soo taxnaa isla markaana dhawr jeer la isku dayey in la bakhtiiyo.

Qul qulatooyinka ka socda Burco ayaa ka dhashay Taliyihii Qaybta Booliiska Burco oo la bedelay, kaasoo ay dadweynaha Galbeedka Burco dad iska soo abaabulay diidan yihiin.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 02 May 2014 03:27
Saturday, 06 September 2014 22:02
Monday, 02 June 2014 13:03
Friday, 07 February 2014 17:35
Thursday, 22 August 2013 19:20
Wednesday, 31 July 2013 20:38
Friday, 18 April 2014 03:33
Sunday, 17 August 2014 08:32
Wednesday, 09 July 2014 14:10
Saturday, 11 October 2014 20:53