BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Naagta Lagu Tuhunsanyahay Inay Ka Dambeysay Weerarkii Westgate Ee Nairobi Oo Lagu Arkay Gudaha Soomaaliya Iyadoo Xoolo Dhaqato Ah

Samantha_Lewthwaite23-12-2013 Muqdisho (Bnn) Wargeyska The Mirror ee kasoo baxa dalka Britain, ayaa lagu daabacay Maanta oo Isniin ah War sheegaya in Samantha Lewthwaite 'White Widow', oo la tuhunsanyahay inay ku lug lahayd Weerarkii Westgate Mall ee Nairobi, lagu arkay Soomaaliya.

Wargeyska, oo soo xiganaya Sirdoonka UK ee MI5 ayaa sheegay in Gabdhan baxsadka ah ee Samantha Lewthwaite, Labo Todobaad kahor lagu arkay Xero ay Al shabab ku tababartaan oo ku taalla Meel ku dhow magaalada Baydhobo ee Xarunta Gobolka Baay.

White Widow, ayaa la sheegay in ay ilaalinayaan 800 (Sideed Boqol) oo Maleeshiyaad Al shabab ah, waxaana ay ku dhuumaalaysanaysa Goobaha ay Tababarka ku qaataan Al shabab oo ku yaalla Dhulka Kaymaha ama Howdaka ah ee Soomaaliya.

The Mirror, ayaa shaaca ka qaaday in Lewthwaite, 29 jir ah in 4 Jeer lagu arkay dalka tan iyo wixii ka danbeeyay Weerarkii Bishii Sebtember ee Sanadka lagu qaaday Xaruuntii Ganacsiga ee Westgate ee Nairobi.

White Widow (Carmalada Cad), ayaa bedeshay Muuqaalkeeda, waxaana ay isku ekeysiisay Qof Xoolo Dhaqato ah, waxaana ay ku safartaa Dameer Dhulka Kaymaha ah ee dalka Soomaaliya, iyadoo dusha laga ilaalinayo.

Illo laga soo xigtay UN-ka, ayaa sheegay in markii uu dhacay Weerarkii Westgate oo ay ku dhinteen 67 Qof, oo 5 kamid ah ay ahaayeen British, in Samantha Lewthwaite ay Gaadhi 4x4. Ay kaga soo gudubtay xadka Kenya iyo Somalia.

White Widow, waa Hooyo dhashay 4 Caruur ah, waxaana ka dhintay Nin kamid ahaa Dad isku qarxiyay 7/7 Wado Tareen oo Dhulka Hoostiisa marta oo ku taalla Magaalada London.

Dowladda Britain, ayaa u aqoonsatay Gabadhan inay tahay Haweenayda ugu qatarsan Caalamka xilligan, waxaana ku raad rooga Sirdoonka dalkaasi ee loo yaqaano MI5.

Goobaha lagu arkay White Widow: Dhulka Kaymaha ah ee Raas Kambooni, Waqooyiga Kismaayo, Baraawe iyo Duleedka Baydhobo.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 10 April 2014 15:12
Friday, 15 November 2013 23:27
Thursday, 13 February 2014 12:53
Sunday, 23 February 2014 11:37
Wednesday, 09 October 2013 23:19
Sunday, 17 November 2013 09:40
Friday, 07 March 2014 21:01
Thursday, 17 April 2014 04:49
Saturday, 22 March 2014 18:40
Monday, 17 March 2014 22:59