BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

MARAYKANKA:Fanaanka Guuleed Dayax Oo Dil Ka Badbaaday Dhaawacna Soo Gaadhay Iyo Wiilal Siilaanyo Adeer U Yahay Oo Loo Xidhay Weerarkaasi (SAWIRO)

guuleed_dayax
24-12-2013 (BNN) Hobolka Wayn ee Guuleed Dayax ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay soo maleegeen qoyska uu ka soo jeedo madasxweynaha Somaliland.
      Isku daygan dil ayaa wuxuu dhacay habeenkii xalay ahaa, isaga oo uu gaystay nin lagu magacaabo Isaaq da'diisuna tahay 47 Sanno., ninkan oo ayna u suurta galin in uu ka baxsado goobtii uu falku ka dhacay, kadib markii dhalinyaro joogtay meel aan ka fogayn goobtaasi qabatay, una gacan galisay Booliska, isaga oo hada ku xidhan saldhiga booliska San antonio.
Hobolka oo ay jug wayni soo gaadhay ayaa hada ka soo raynaaya dhaawacii, shabkada heemaalnews oo waraysi kooban ka qaaday, ayuu u sheegay hobolku in uu hada roon yahay.
Isaaq waxa kale oo lala xidhay saddex nin oo kale oo shirqoolka qayb ka ahaa, shirqoolkan oo la aaminsan yahay in laga soo maleegay madaxtooyada Somaliland kadib markii hobolku baryahan danbe soo saari jiray heeso uu ku dhaliilaayo xukuumada Siilaanyo.
Boramanews/USA
guuleed_dayaxIsaack

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 28 July 2014 13:11
Thursday, 24 April 2014 05:54
Wednesday, 12 March 2014 08:01
Thursday, 17 October 2013 19:45
Monday, 02 December 2013 18:54
Sunday, 12 January 2014 23:05
Wednesday, 09 July 2014 20:08
Tuesday, 24 September 2013 13:30
Tuesday, 18 March 2014 10:14
Wednesday, 17 September 2014 18:48