BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BURCO:Salaadiinta Beesha Galbeedka Burco Oo Ka Hadlay Mudaharaadkii Ka Dhacay Burco Sheegayna In Beeshoodu Marnaba Baryaynin Saamiga Somaliland Ku Leeyihiin (VIDEO)

burcomudaharad24-12-2013 (BNN) Shir Jaraaid Oo maqribkii  Isugu Yimaadeen Gudida Beesha H/Yoonis Ee Talo Iyo Tawfiiq Gurigooda Weyn ee Ay Ku Lee Yihiin Magaalada Burco Shirkaasoo Ay Si Wada Jira Baaq Balaadhan Uga Soo Saareen Qodobo Ku Salaysan Saami Qaybsiga Xukuumada Siilaanyo Ay Ku Lee Yihiin
Waxaana Shir Kaasi Jaraaid ugu Horayn Ka Hadlay Gudoomiyaha Beelweynta Beesha H/Yoonis Ee Talo Iyo Towfiiq Xassan Xusein Waxaanu Yidhi:
Waxaa Maanta Halkan Fadhiya Oo Shirkan Isugu Yimid Anigoo Ah Gudoomiyihii Beesha H/Yoonis Wax Garadkii Beesha Cheif Caaqiladii , Cuqaashii Iyo Suldaan Qaar KA Mida Sida Suldaan Jikaar Aqoonyahankii Iyo Wax Garadkii reerka Ayaa Fadhiya , Dhalin Yaradii Baa Fadhida Waxaanu Ka Hadlaynaa waxa Weeyaan Maanta Intaa Meesha Fadhida Waxaa Isu Keentay Dareenkooda Waxa Weeyaan Dhacdada Ka Dhacday Maanta Magalo Madaxda G/Togdheer Ee Burco Dhalinyarada Iyo Maxastiyo Wax Garadka Yacnii Dadka Aan Wax Garadka Ahayn Dawladu Ku Abaabushay Inay Kacdoon Ku Samayso Oo Yacniiga Ay Iskaga Hor Keento Wax Yaalo Aan Munaasib Ahayn Arintaa Ayaa Isu Kaayo Keentay oo Nagu Kaliftay Inaanu Shir Jaraaid Qabano Een Waa Og Tihiinoo Maanta Halkaa wixii Ka Dhacay Dee Dhimasho Iyo Dhaawac Shicib Iyo Ciidkaba Labadaba Way Soo Gaadheene Iyo Dad Shiciba Oo Wada Iska Marayo Oo Rasaasi Gaadhay Waxaan Aad Iyo Aaad Anigoo Ku Hadlaya Afka Beesha Tacsi U Dirayaa Marka Hore Inta Ku Dhimatay Eheladoodii Iyo Qaraabadoodii Iyo Somali Land oo Dhan In Ilaahay Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo Marxuumiinta Ilaahay Janadii Ugu Bushaareeyo Inta Dhaawaca Ahna Waxaan Ilaahay Uga Baryayaa In Iyaga Caafimaad Degdega Siiyo Ilaahay Boogahooda U Dha,yo Intaa Markaan Dhaafo;
Waxaan Leeyahay Masuuliyadaa Waxa Iska Leh Manta wixii Halkaa Ka Yimaada Iyo Wixii Dhacayba Waxaa Iska Leh Oo Aan Cidi La Qaybsanini Waa Dawlada Sababtu Waa Maxay Somali Land Geeska Afrika Ayay Ka Mid Tahay Wadamada Afrika Ayay Ka Mid Tahay Maaha Maraykan Maaha Iskaadaneefiyanka Maaha Dalalka Yurub Oo Kale Waa Sistam Beelo Ku Salaysan Oo Beelo Ku Heshiiyeen Oo Nebedgelyadu Ku Dhisan Tahayoo Dawladu Ku Dhisan Tahayoo Oo Salkoodu Yahay Beelo Waligeed Bay Ku Soo Caana Maashay Boorame Markii Ay Isugu Tagaysay Beelo Ayay Isugu Tagtay Shirarkii Ka Danbeeyay Beelo Ayay Isugu Timi Hadii Beedankeedii Leeyahay Baarlamaanka Ku Dhistay Oo Guurtida Ku Dhistay Maxaan Idhaahdaa Kuraasida Dawladoo Dhami Ka Kooban Tahay Waa Beelo Goboladu Baaralis Bay lee Yihiin Beelo Wxaas oo Dhan Ujeedadu Waxa Weeyaan Dan Baa La Mooday Danta Nebedgalyada Iyo Dawladnimada Iyo Wada Dhaqanka Ayaa ku Jirta Sidaa Aawadeed Intii Uu Kulmiye Dalka Xukunkiisa Qabtay Waxaad Moodaa In Arintaa Laga Leexday Oo Waliba Intii Danbe Ee Sanadihii Danbe Sanad Iyo Lababa Intii Ay Qabeenba Dheh, In Si Toosa Looga Leexday Arintaa Umada Reer Soomaali Land Ku Soo Caano Maashay Ee Ah In Beelaha Si Siman Loo Maamulo Yacnii Siday Ahaan Jirtay Awood Qaybsigu Uu Ku Dhisnaado Waxaynu Ognahay Gobol Kasta Waxaa Ka Jira Marka Maajooratiga Marka Beelaha Deegan Ee Miisaaanka Leh Maamulkuna Waa U Qaybsan Yahay Oo Dawladii Kastaaba Waa U Qaybin Jirtay Sababtaa Waxa Keenay Waxa Weeye Maaha Reerka in Lagu Naas Nuujinaayo Ee Dantaa Ku Jirta Dalka iyo Dadkoo Nebedgalyadaa ku Dhisan Reerka Maamulkaa Gobolka Ka jira Waxbaba Ku Lahaynini Baaxadna Yacnii Ku Dagani
Waxay Ahayd Garasho La Gartay Ama Masløaxadu Ku Jirto In Baalaniska Awooda Laga Dhigo Si Reer Walba Maamulka Dawlia Ahi Uu Uga Dhex Fulo Taa Waxaad Moodaa In Dawladu Wax Badan Ka Bad Badalayso oo ay Qulqulad Abuurayso Waliba Toosa Sababtu Waa Maxay Markaan Ka Hadlo Reerkan Aan Anigu Gudoomiyaha Ka Ahay Waxaan Filayaa Mudada Imika Dawladu Jirtay Aad Iyo Aad Iyo Aad Baa reerkani Uga Dul Qaatay Anagoo Ku Tix Galinayna Codayntii Aanu U Codaynay Ee Aanu Kamid Ahayn Dadkii Soo Saaray Madaxweynaha Ee Codkooda Siiyay Waxa Weeye Markaa Nasiiib Daro Dee Anagu Waxaanu U Arkaynay In Dawlada Somaliland Ay Tahay Dawlad Umada U Dhaxaysa Oo Si Cadaalada Umada Ku Maamulaysa Oo Ka Ugu Hooseeya Iyo Ka Ugu Sareeyaba SI Cadalada Qof Walba Xaqiisa Mudinaysa Beeshanu Cabashooyin Badan Ayay Hada Ka Horna Soo Jeedisay Oo Ku Saabsan Saami Qaybsigaas Dhag Jalaq Looma Siinoo Dawladu Dan Kamay Galin Anaguna Waxaaanu Ka Door Bidnay Nebed Gelyada Iyo Dawladnimada Iyo Wada Noolaashiinyaha Iyo Degaanshaha Ayaanu Ka Door Bidnoo Kamaanaan Daba Tagin Falkii Ay Dawladu Kaga Jawaabtay Hadaladayadii Hore Tusaale Ahaan Gobolkan Aan Maanta Ka Dhex Hadlaayo Anigoo Ah Gudoomiyihii Beelaha H/Yoonista Oo Burco Aan Ka Dhex Hadlaayo Maanta Tusaale Ahaan Waxay Ahaan Jirtay Qaab Saami Qaybsiyoo Oo Beelaha Ah Oo Afarta beelood Ee Ugu Xooga Weyn Leh Yacnii ugu Deegaanka Baladhan Xagan Ayaa Jirijiratay . Hadii Badhasaabku Reer Noqdoo Maayerku Reer Noqdoo Badhasaabka Reerbaa La Siin Jiray Labada Xoog Hayee Dawlada Dhexe Iyo Dawlada Hoosana Laba Reer Baa Kala Leh Hadii Gudoomiyaha Maxakamadu Reer Noqdo Xeer Ilaaliyuhu Reer Buu Noqon Jiray Ama Hadii Beedankeedii Leeyahay CID una Reer Bay Noqon Jirtay Baaraliska Si Loo Ilaaliyo .
Waxaa Dhacday Maanta Badhasaabkii ,Maayerkii , Taliyihii Qaybta Policeka ,Taliyihii C.I.D da, Gudoomiyihii Maxakamada Sare Maxakamada Gobolka, Xeer Ilaaliyihii Saldhigyadii G/Togdheer Oo Dhan Yacniga Ma Tirin Karo Intaas Oo Dhami Waxay Noqotay In Dee La Dhaayfar Gareeyoo Ay Dhinac U Badato Oo Beeshan Laga Midh Tiro Lagana Ilaaliyo Kolaydee Ujeedooyinka Ka Danbeeya Waynu Garanaynaa Waxba Afka Ku Balaadhin Maayo Maantaa Ugu Danbaysayoo Waxa Dadkaa Makasta Ah Kiciyay Waxa Weeye Taliyihii Qaybta Police ka oo Beeshan Oo Dawlada Ugaga Jiray Dee Bos Inuu Ulajeedooyinka Dawlada Ka Fuliyo Anaga Waxba Noomuu Tarayn Oo Beesha Waxba Uma Tarayne Laakiin Dawladaa Yacnii Danteedu Ahayd Inay Qaarna Ku Tix Galiyaan Jabhad Nimadii Iyo Waayo Aragnimadii Qaarna Ay Ka Xishoodaan Oo Siba Uu Qaar Ula Dhaqmo Waa Bos Kii Ugu Danbeeyay Ee Reerkee Ee G/Togdheer Maanta Dawladu Tidhi Waanu Badelay Badhasaabkii Baa La Ogaa Wixii Aanu Nidhi Ee Aanu Kaga Hadalay Badhsaabkan Imkana Dee Waanu Soo Dhawesanayoo Dee Waa Inankayagii Laakiin Dawladu Waxay Ku Tala Gashay In Dagaal Ka Dhaco oo Aanu Ka Dagaalanaa Ayay Ku Tala Gashay Si Cad Maalintii Horena Waan Sheegay Maanta Waxay Ugu Tala Gashay Dawladu Waxaa Maanta Dhacaya Inay Dhacaan Iyo Wax Ka Sii Xun Joojintoodaa Dhibi Naga Soo Gadhay Maanta Oo Dad Nagaga Dhintay Aanu Aad Uga Xun Nahay Oo Dad Nagaga Dhaawac May Inaanu Waxaas Is Hor Taagno Ee Dawladu Dabada Ka Riixayso Een Waxaaanu Leenahay Arintaa ma yeelayno Mana Suurta Galinayso Dee Dawladu Hadii Ay U Haysato In Maraykan La Joogo Ama Dee Yurub La Joogo Dee Dadkaa Dimuquraadiyada Dhifaloobidhka Ah Yacniiga Ay Ku Dayanayso Dee Iyaday Jirtaa Waxay Ila Tahay In Aan Qofku Dee Tamar tiisuu Ordaa Dawaladu Dadka Ay Dawlada U Tahay ee Shacabka Ah Ee Ay Maamusho Way Taqaana Qaabkay Ku Dhisan Yihiin Way Taqaanaa Ama U Maamulayso Markaa Riyaalatiga Iyo Xaqiiqda Indhaheedu Ha Qabteen Sida Ay Wax Yihiin Ha Ku Maamusho Cadaalada ha ku ilaaliso Sami Qaybsiga Ha Ilaaliso Beel Waliba Waxay Xaq U Leedahay Gobol Walba Haka Siiso Waxaan Ku Soo Gaba Gabaynayaa Beeshani Dulmi Ma Rabto Dulmina Dooni Mayno Dalkana Xumayn Mayno Nebed Galyadana Ilaahay Baa Hayee Labada Gacmood Baanu Isugu Gaynaynaa Iyo Ilkahaba Ayanu Isugu Gaynaynaa Laakiin Marnaba Kama Yeelayno In Saamigayagu Lumo Oo Waxaanu Xaq U Lahaynee Dawlada Iyo Dalkaba Aanu Xaqa Ugu Lahayn Aanu Ku Wayno Ujeedooyin Kale Oo La Fulinaayo Marnaba Yeeli Mayno Wax allaale Iyo Wixii Kale Ee Dalka Iyo Dadkana Waani Ilalinaynaa Oo Xil Baa Naga Saaran
Waxaa Sidoo Kale Iyaguna Halkaasii Ka Hadlay Salaadiin Cuqaal Aad Tiro Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Cheif Caaaqil Baashe Cabdilaahi Kaahin Iyo Caaqil Cali Kadiye Iyo Caaqil Cabdi Aw Shugri Caaqil Max ed Xassan Cunaaye Iyo Oday Odawaa Laari Iyo Suldaan Jikaar Waxaanay Dhamaantood Taageereen Warbixintaa Gudoomiyuhu U Soo Jeediyay Xukumada Somali Land.

BURCO/QaRaN

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 22 May 2014 15:05
Saturday, 23 November 2013 18:17
Sunday, 05 January 2014 02:19
Monday, 02 December 2013 06:35
Thursday, 07 November 2013 05:59
Tuesday, 24 September 2013 00:31
Wednesday, 01 January 2014 20:05
Thursday, 08 May 2014 00:52
Sunday, 17 November 2013 17:08
Sunday, 12 January 2014 03:32